Safarkii Prof. Cabdiweli M. Cali Gaas uu ku booqday degaanada Gobolka Mudug
Gaalkacyo Oct 23,2012(SDN)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda federaalka Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dib ugu soo laabtay Magaaladda Gaalkacyo, kadib safaro uu ku booqday deegaano kamid ah Gobolka Mudug, gaar ahaan Dagmadda Galdogob.
Prof. C/wali Maxamed Cali oo haatan ah xildhibaan dowladda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, ayaa waxaa uu booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin; Galdogob, Bursaalax Bayra, Xero-jaale, iyo Riig oo mane.
Waxaa safarka Raysalwasaraha ku weheliyey Gudomiyaha Gobolka Mudug, Ganacsato, iyo waxgaradka Goboladda Puntland. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxaa deegaanadaan loogu soo dhaweeyey si aad u heersaraysa oo taariikhi ah. Xildhibaan Prof. Gaas ayaa halkaas kulamo kula qaatay dhamaan dadweynihii deegaanadaas, isagoo u sheegay in uu yahay xildhibaan u dhashay Puntland, ayna waajib ku tahay in uu ogaado baahida dhabta ah ee ka jirta dhamaan deegaanada Puntland.
Prof. Gaas ayaa mar uu joogay xerro jaale waxaa uu deegaankaas u balan qaaday in uu udhisi doono xarun caafimaad, kadib markii ay dadweynihii deegaankasi soo bandhigeen bahida ay u qabaan in aysan lahayn xarun caafimaad tuuladu.
Xildhibaanka oo socodkiisa kusoo gaba gabeeyey Magaaladda Bursaalax, kadibna dib ugu soolaabtay Gaalkacyo, ayaa waxaa laga filayaa in uu safaro balaaran ku tagidoono dhamaan Degaanada Puntland oo dadweynaha kulamo laqaadan doona.
Prof. Gaas ayaa waxaa uu sheegay in uu safarkaani yimid kadib markii uu wakhti u waayey xiligii uu hayey xilkii Dowladda Soomaaliya, markaas oo uu aad ugu mashquul sanaa samata bixinta kumeel gaarnimada oo dalato dawlad rasmi-ah.
SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com