Shirkii Gollaha Dhexe ee UCID oo ku beegmay Ciidul Adxa iyo Iclaam cusub
Hargeysa Oct 23,2012(SDN)-Xisbiga cadaaalada iyo daryeelka ee UCID ayaa hore u shaaciyay in golihisa dhexe uu kulmi doono bishan 25keeda si loo sharciyeeyo heshiis ay hore u wada galeen xisbiga iyo xubno cusub oo ku soo biiray.
Jamaal Cali Xuseen oo haatan ah musharaxa madaxweynaha ee doorashooyinka soo socda iyo xubno kale oo xisbiga ku biiray ayaan sharciyeysneyn ilaa iyo haatan.
Hadaba xisbiga UCID ayaa warsaxaafadeed ku sababeynaya dib u dhac kulankaa ku yimi;
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
Ref/UCID/839/2012
Warsaxaafadeed
Waxaanu maanta warsaxaafadeedkan idinku cadaynaynaa go,aankii ku taariikhaysnaa 22/09/2012 isla Markaana sumadiisuna ahayd Ref/UCID/825/2012 ee sheegayey cayimaada kal-fadhiga 5aad golaha dhexe ee Xisbiga ucid kaas oo qabsoomilahaa 25/10/2012 —–ilaa 26/10/2012
Hadaba waxaanu Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ucid ogaysiinaynaa in wakhtigaasi ku beegan yahey Ciidul Adxa
Sidaa,daraadeed waxaa la go,aamiyey in laga dhigo 28/10/2012 oo ah maalin Axada
Sidaa Awgeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 27/10/2012
Ugu danbayntii waxaa si xushmada leh laydunku adkaynayaa in aad wakhtiga dhawrtaan
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce)