|

Amiirka Qatar oo Boqasho Tariikhiya ku tagay Magalada Gaza

London oct23/12 (SSD) waxa Maanta oo gaadhay Deeganka Gaza ee ka taliso Xamaas Wafdi Balaran oo uu hogaaminayo Amiirka Qatar Sheekh Xamad Bin Khalifa Altahani iyo Xaaskiisa Sheekha Mawza Bint Nasir Almisnad  wafdigan balaran ayaa noqonaya wafdigii u horeyey ee carbeed ee gadha deeganaka Gaza oo mudo ay saarnayd cunaqabatayn dhaqaale oo ku soo riday Israil ,ayaa waxa  garoonka cariish ku soo dhawayey Raysal wasaraha dalka falastiin ee aan la aqoonsany  Ismail Haniya  ee ka talisa qaybta Gaza Amiirka Qatar ayaa waxa la filayaa in uu furo mashaaric badan oo ay ka hergalisay dawlada Qatar  dalkaas taas oo ka mida Magalada Hamad oo ay ka faaidaysan donaan muwadiin badan oo reer falstiina . Mudadoo yinkii u danbeyey ayaa waxa lagu tirayaa wadanka Qatar in ay horumar ka gadhay wadamada carabta sidii ay uga saari lahay madaxdii hore iyada oo la og yahay kacdoonkii Tunis , Masar, libiya in ay ka cawisay ayna bilawday dib u dhiski waxii dhibaato ka soo garay wadamadaas.

 

Xafiiska wararka Qurbojoog

London

webmaster@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed