Hadalheynta reer Burco iyo safarada Madaxweyne Siilaanyo ee Berbera iyo Gebiley
Burco Oct 23,2012(SDN)-Waxa magaalada Burco maalmihii ina dhaafay si weyn looga hadal hayay safarada soo noqnoqdey ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ku gaalaa baxo magaalooyinka ay ka midka yihiin Berbera iyo Gabiley.
Taa waxa barbar socday sida madaxweynuhu aanu ilaa iyo haatan intii la doortay aanu si nefisa u sal dhigan degaanada Togdheer ee sida weyn gacanta uga geystay doorashadiisa.
Reer Burco ayaa isweydiinayay waxaama cida madaxweynahaka hortaagan in uu mar si lama filaana salaad Jimce ula tukado.
Ama uu mashaariic uga hirgelio madaxweyne lagu waday in uu bariga dalka ku fidiyo nidaamka dawladeed ee ku baahasan Galbeedka dalka.
Reer Burco ayaa dareenkoodu waxa uu u muuqdaa mid ay madaxweynaha iyo xisbul xaakimkaba uga aargoosan doonaan doorashooyinka ina soo aadan ee degaanka.
Kaftan qaar ayaa madaxweynaha loogu nisbeynayay in uu siyaasada ku noqday inana la yaal.
Hadal heyntani waxa ay ina xusuusin kartaa sidii madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin aanu wakhti faro badan ugu qaadan gobolkii laga soo doortay ee Awdal.
Taas oo aanu xusuusano wixii ay dhaxalsiisay xisbigii uu madaxweynuhu ka tirsanaa ee tobanka sano talada dalka hayay.
Si kastaba ha ahaatee doodaha siyaasadeed ee Burco lagu jeexjeexayay maalmihii ina dhaafay ayaa u muuqda qaar bilow u noqon kara in reer Togdheer ay xisbiyada kale uga digo rogtaan Kulmiye.
SDN-Burco
contact@somalidiasporanews.com