|

Ma dhabaa in madaxwenihii hore ee Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya loo gudbinayo maxkamada Hague

Adis Ababa Oct23,2012(SDN)-Warar ay isla dhexmarayaan saxaafada dalkaItoobiyaayaa tibaaxayain haatan lagu guddo jiro baaritaano lagu hayo gabood falo uu hore u geystay madaxweynihii hore ee Dawlad degaankaItoobiya Cabdi Muxamuud Cumar Iley.

Cabdi Iley oo haatan ku sugan Adis Ababa ayaa la baarayaa gabood falada ay geeysteen ciidamo si toos ah uga amar qaadanayay oo la yidhaahdo Liyu Police.

Ciidamadan oo Gubay tulooyin ku yaal degaanka Soomaalida isla markaana kufsi iyo dilala isu raaciyay dad shacaba ayaahaatan waxa dul taal seefta cadaalada.

Dawlada Cusub ee Itoobiya oo ka hor tageysa kacdoono hor leh oo ku faafa degaanada Soomaalida Itoobiya ee hore u nabdoonaa ayaa xilka ka xayuubisay madaxweyne Cabdi Iley.

Gabood faladan ay ku keceen ciidamada Liyu Policekaka amar qaadanayay Cabdi Iley ayaa cadeymahooda waxa caalamka u soo bandhigay television laga leeyahay dalka Sweden.

Waana cadeeymahaa kuwa haatan ay dhici karto in loo gudbiyo maxkamada caalemiga ee denbiyada.

Ma cada in dawlada Itoobiya ay la qabto besha caalamka in degaanka SoomaalidaItoobiya ay ka dheceen denbiyo ay tahay in maxkamada caalamega ahi ay baarto.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynihii hore ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sanadihii u danbeeyay ugu talax tegay awoodiisa dawladeed oo gaadhay in uu xitaa faro geliyo siyaasadaha dalalka Jaarka.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed