|

Mareykanka oo dalalka Geeska Africa ugu deeqay lacago dheeri ah

Washington Oct 23,2012(SDN)-Xoghayahaarrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay waxa ay ku shaacisay lacago dheeri ah oo ay ugu deeqday wax ka qabashada xaaladaha guracan ee geeska Africa.

Hillary Clinton ayaa sheegtay in dalkeedu ugu deeqayo dalalka geeska Africa aduun dhan $58 million dollars.

Haweeneydu waxa ay sheegtay in xaaladaha biniaadam ee ka jira geeska ay yihiinqaar guracan oo ilaa 9 million oo ruux ay khatar ku sugan yihiin.

Clinton waxa ay sheegtay in inkasta oo aaney haatan xaalad macluul ka jirin Soomaaliya hadan ay 2 million oo ruux oo dalkaa ku nooli gargaar u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in hal million oo ruux oo Soomali ahi ay dalalka jaarka qaxootinimo u joogaan oo ay kaalmo u baahan yihiin.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanku waxa ay sheegtay in dalkeedu 2011kii macluushii Soomaaliya ka dilaacday la tacaalkeeda ku bixiyay 1.3 billion oo dollar.

Si kastaba ha ahaatee yabooha Mareykanka ayaa jawaab u ah dalab ka soo yeedhay QM oo ay ku dalbadeen aduun dhan 1 billion oo dollar si loo gacan qabto Soomaalida.

SDN-Washington

contact@somalidaisporanews.com

Comments are closed