Hawlgalo ay qaadeen ciidamada Somaliland oo Tahriibeyaal lagu qabqabtay
Lawyacado Oct 23,2012(SDN)-Ciidamada amaanka ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa hawlgal ay qaadeen waxa ay ku soo qabqabteen tiro dad ah oo damacsanaa in ay ka tahriibaan xeebaha Galbeed ee dalka.
Taliyaha ciidamadaSomaliland Ismaaciil Cawaale ayaa saxaafada u sheegay in hawlgalada ciidamadu qaadeen ay ku soo qabqateen 40ruux oo tahriib damacsanaa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dadkani ay ka soo hayaameen dalalka jaarka ee Soomaaliyaiyo Itoobiya.
Degaanada dadkanlagu qabqatay oo gebi hoostaga degmeda Lawyocado ayaa waxa inta badan gaadha dad doonaya in ay halkaa ka tahriibaan.
Guud ahaan gobolka Awdal ayaa waxa la dareemayay in dhawaalaba tiro dad ah oo gobolkaa u taga in ay ka tahriibaan.
Waana sababta hawlgalada ciidamadu u qaadeen si looga hortago.
SDN-Lowyacado
contact@somalidiasporanews.com