|

Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo gaadhi rasaas ku riday

Hargeysa Oct22,2012(SDN)-Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay fiidkii la maqlay rasaas faro badan oo ay ku rideenmid ka mida gawaadhida isticmaasha wadada hor marta qasriga madaxtooyada Hargeysa.

Gaadhigan oo ah kuwa rayidka ayaa si kedis ah ugu weebday gidaarada difaaca kadinka Madaxtooyada oo askari dhoobneyd.

Ilaalada ayaa tacshiirad huwiyay gaadhiga,masaafo yar dabadeedna gaadhiga ayaa joogsaday.

Gaadhigan oo ay wateen laba ruux ayaaney waxba gaadhin,baartaan dabadeedan waxa soo baxday in waduhu dareemay in wadada uu gaadhi kale ku cidhiidhyay.

Sidaa awgeedna uu ugu beydhay afaafka hore ee qasriga madaxtooyada Soomaaliland.

Ciidamada ilaalada ayaa wadihii gaadhiga iyo rakaabkii la socdeyba ku wareejiyay ciidamada booliska Hargeysa oo baaarid dheeri ah ku sameynaya wadihii gaadhiga jiidhay difaaca hore ee madaxtooyada.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed