|

Iran oo kolkii u horeysay aqbashay wadahadal iyo Mareykanka oo dafiray

Washington Oct 21,2012(SDN)-Dawlada dalka Iran ayaa markii u horeysay aqbashay in ay wadahadal toosa lagasho dawlada Mareykanka sida ay daabacday barta Internetka ee New York Times.

Jariirada ayaa daabacday in Iran ay aqbashay in ay wadahadal Mareykanka kala yeelato mashruuceeda Nuclear ee reer galbeedku ka didsan yahay.

Sarkaal ka tirsan dawlada Mareykanka oo ay jariiradu xogtan ka soo xigatay ayaa sheegay in Iran wadahadalka fol ka foolka ah ogolaatay balse dooneysa in la kulmo ka dib doorashada 6da November.

Mashruuca Nuclearka Iran ayaa dood adag dhex dhigtay musharixiinta madaxweyne ee Mareykanka.

Dawlada Mareykanka ayaa warbixintan ku tilmaamay mid aaney waxba ka jirin.

Afhayeenka guddida amniga Qaranka Mareykanka Tommy Vietor ayaa saxaafada u sheegay in aaney jirin wax qorshe ah oo haatan ay labada dal kulan ka yeelanayaan.

Tommy Vietor waxa uuse qiray in wadahadal labada dal dhex maraa yahay arin muhiima oo loo baahan yahay.

Reer galbeedka ayaa qaba in Iran ku hawlan tahay barnaamij Nucleara oo aan maraba la ogolaan karin jiritaankiisa.

Halka Dawlada Islamiga ah ee Iran ay ku garanto had iyo gooraale in barnaamijkeedu yahay mid ku qotama tamar dhalin.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed