Ganacsatada Xoolaha Gobolka Saraar oo Ka Qayliyey Cashuuro Khasab Lagaga Qaado
Caynaba Oct 21,2012(SDN/Hubaal)- Ganacsatada Xoolaha ee gobolka Saraar ayaa cabasho xooggan ka muujiyay laba cashuurood oo sifo aan sharci ahayn loogaga qaado laba meelood oo midi tahay barta kaantaroolka degmadda Caynabo.
Ganacsiga Xoolaha oo xilligan si weyn kor ugu kacay Munaasibadda Ciidal Adxaha awgeed ayaa ganacsatadu sheegeen in xoolahooda cashuur lagaga qaado kastamka degmadda Oog ee gobolkaas, kadibna Cashuur labaad lagaga qaado Kaantaroolka magaalada Caynabo, kuwaas oo aanay xamili karin bixintooda.
Maalmihii u dambeeyey ayaa hawl gal dakhli ururin ah uu degmadda Ooog ka bilaabay Duqa Cusub ee Wasaaradda arrimaha guduhu dhawaan u soo magacawday Xasan Siciid, kadib markii dawladdu Xabsi ku ilowday Meeyarkii hore ee degmaddaas Cabdisalaan Ibraahin Shire (Afrikaani). Waxana dakhli ururuintan uu Maayarku ku tilmaamay mid sharciyad uu u haysto oo wasaaradda maalliyadu aanay ogayn balse wasaaradda daakhilugu soo siiyay waraaqo cashuur ururineed.
Xoghayaha Degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse oo arrimahan ay caynaba labada cashuurood ku qaadayso dabada ka riixaya ayaa ku dooday inaanay degmadda Oog cashuur qaadi karin illaa la kala xadaynayo gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa kale oo Xog hayuhu meel iska dhigay dhaqan gelinta wareegto uu dhowaan soo saaray wasiirka arrimaha gudaha, taas oo lagu hakinayo miisaaniyad ay golayaasha deegaanada dalku samayn jireen ka hor markii uu wareegtada soo saaray 26-kii bishii 8aad ee sanadkan.
Guddoomiyaha Bangida degmadda Caynaba ayaa foolxumo ku tilmaamay arrimo uu ku eedeeyey Meeyarka degmada Oog kaasi oo aan tan iyo intii la soo magcaabay la garanayn mee ay ku dhaceen dakhliga soo xarooday, kaas oo wararku tibaaxayaan in meeyarku ku shubtay sanduuq xisaabeed gaar ah oo uu ku leeyahay shirkadda Dahabshiil.
Gobolka Saraar oo inta badan lagu arko dhacdooyin ka hor imanaya nidaamka jaranjaro ee Maamulka gobollada iyo degmooyinka isla markaana warbaahinta madaxa banaani dhawr jeer wax ka qoreen warar ay xaqiiqdooda dafireen maamulka gobolka Saraar oo ay kaga jawaabeen hadidaado ka dhan ah saxaafadda madaxa banaan, ayaa sida uu ku soo warramayo Weriyaha Wargeyska Hubaal ee gobolka Saraar waxa maamul xumo hor leh oo isku dhac ku dhawi ka bilaabantay degaankaas, kadib markii ganacsatada xoolaha marka cashuurta hore lagaga qaado kastamka Oog, ee ay soo gaadhaan kaantaroolka Caynabo ay maamulka halkaa ku sugani ka jeexjeexaan waraaqaha Ooog lagaga soo cashuuray iyaga oo khasab kaga dhiga mid kale inay bixiyaan.
Waxaana qaar kamid ah ganacsatadaas oo Weriyaha Hubaal kala sheekaystay arrimahaas ay ku tilmaameen lama arag iyo lama maqal oo dib u xusuusisay boobkii dadweynaha ee xilliyaddii xasarrada lahaa ee la soo dhaafay ee sidan oo kale wax loo kala dhici jiray.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com