“Aniguba Wasiir baan ahay ee Gabadha muslimadda ah ee sawirkeeda kolba deyr sudhaysa Waxan ka doorbidayaa in……….”Marwo Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa Oct 21,2012(SDN/Hubaal)- Wasiirrada wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa markii u horeysay ka hadashay Xeerkii dhawaan golaha wakiilladu ku laaleen in kootadda dumarka u saamaxaysa inay siyaasadda soo galaan.
Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo ah haweenayda keliya ee ku jirta golaha wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka laga reebo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, waxa ay sheegtay in Kootadu uga fiican tahay dumarka inay siyaasadda toos u soo galaan, iyadoo tilmaamtay in ay jiraan duruufo dhaqan dhaqaale oo ku gedaaman kuwaas oo loo baahan yahay in la tixgeliyo. “Anigu Wasiir baan ahay oo sidii hooyadda oo kale ayaan u fikiraa haddii arrin meel ka dhaco”, ayay tidhi Samsam Cabdi Aadan, waxanay intaa ku dartay, “beri dhawayd oo Nagaad daraasad samaysay waxa la ogaaday in Hooyo kasta, ilaa ta khudradda Sariibadda ku iibinaysa ay jecel yihiin in ay kor u qaadaan daryeelka ubadkooda, waxa ay ku odhanaysaa waxan jeclaan lahaa inaan biilka caruurta iyo reerka helo, oo arday waxbarasho ku jirta oo dadkoodu dagaalo ka soo kabanayaan oo qaarkood agoon yihiin, qaarkood aan aabayaashood shaqo hayn ay gacanta ku hayaan.” Ayay tidhi wasiirrada waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo Xalay ka hadlaysay Telefishanka xukuumaddu maamusho ee SLNTV.
Waxanay carrabka ku dhufatay in haween ahaan ay door bidayaan in loo meel mariyo kuraas aan tartan ku iman (Kooto) oo u gaar ah, halkii ay kaga milmi lahaayeen Saaxadda Siyaasadda, “ Gabadha muslimadda ah ee sawirkeeda kolba deyr sudhaysa ee marba kaambayn ku jirta ee meel ka khudbadaynaysa, waxan ka door bidayaa in labaatan dumar ah Kooto loo siiyo” ayay tidhi Wasiir Samsam. Gebogabadii waxa ay ugu baaqday golaha baarlamaanka, iyo golayaasha kale ee qaranku inay aragti quman ka qaataan isla markaana tixgelyaan rabitaanka dumarka Somaliland oo ah saamiga ugu badan ee shacabka dalka, “Waxba xumaan maayaan ee raggoow bal ka fikira oo arrintaa fahma. Baarlamaankana waxan leeyhaay ha u qaadanina in dumarku iska jeclaysteen in ay iska yimaadaan saaxada siyaasadda ee ay duruufo badan ku foogan yihiin”. Ayay hadalkeeda ku soo xidhay.
1-dii bishii hore ee September ee sanadkan ayaa Mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ay laaleen isla markaana ajandahooda ka saareen xeerka kootada u siinaya haweenka iyo dadka la hayb sooco inay ka qayb gali karaan talada dalka, tallaabadaas oo si weyn uga cadhaysiisay guud ahaanba haween ka Somaliland iyo jilayaasha hay’addaha u dooda xuquuqda dumarka iyo dadka nugul.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com