AMISOM oo baneyneysa Garoonka Muqdisho stadium
Muqdisho Oct 21,2012(SDN)-Ciidamada Midawga Africa ee AMISOM oo in muda ahba xarun ciidan kadhigtay garoonka Muqdisho stadium ayaa maanta kasoo jawaabay dalab uga yimi xiriirka Kubedda Cagta ee Soomaaliya.
Xiriirka ayaa ciidamada AMISOM ka dalbaday in ay baneeyaay garoonka si mar kale dib loogu isticmaalo ujjeedadiiloo aasaasay.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col Cali Maxamuud ayaa saxaafada u sheegay in ciidamadu ka bixi doonaan garoonka kubbeda Cagta ee Muqdisho si dib ciyaaruhu uga biloowdaan halkaasi.
Garoonka ayaa 20kii sanadood ee u danbeeyay waxa uu xero meliishaad u ahaa kooxo kala duwan oo soo maray magaalada Muqdisho.
Garoonka ayaa u baahan in dayac tir badan lagu sameeyo ka hor inta aan wax ciyaaro ahi aan ka dhicin.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com