|

Libiya Sanad kadib ma laga reystay mise loo darsaday Qadaafi

Tripoli Oct 20,2012(SDN)-Dalka Liibiya oo sanad ka hor la riday xukuumadii halkaa ka arimineysay sodomeeyo sanadood ayaan mudo sanad ah haatan leheyn nidaam dawladeed oo waafi ah.

Jebhado kala maana oo isu baheystay ridida xukuumadii kaligii taliye Mucamar Al Qadaafi ayaa haatan la daalaa dhacaya dib u soo celintii nidaamkii dawladeed.

Kooxaha haatan ku herdamaya loolanka siyaasadeed ee Libiya ayaa isugu ira jaar qabaail salka ku haya iyo kuwo baraaruga Islamiga ah ku abtirsada.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa u muuqda qaar hadaladoodu salka ku hayaan niyad jab ka dhashay fadhiidnimada siyaasiyiinta dalka Libiya.

Dalka Libya oo ka mid ahaa dalalka Africa ugu horumarsan ayaa haatan gebi ahaanba dhulkala dhigay ka dib kolkii dalka laga “xoreeyay”qadaafi.

Waxaase durba suuq loo helay shidaalka dalkaasi qaniga ku yahay oo suuqyada caalamka ceegaagay tiyoon QadaafiTripoli weli ka bixin.

Dalalkii maalgeliyay isna garabtaagay jebhadihii ridayQadaafi ayaa kheyraadka dalkaasi qeyrinkaku qeybsaday.

Mase jirin goob iyo cid degta u ridatay masuuliyada dib u dhiska Libiyada weli xamaaraneysa.

Waxa xaqiiqo ah in macangagii Qadaafi iyo qoyskiisii ahbeliinta ahaa aaney cidi tebi doonin balse nidaamkii iyo kala danbeyntii ay ku amar ku taagleyn jireen loo darsaday.

SDN-Tripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed