|

Ololaha Doorashada madaxtinimada Mareykanka iyo weerarka China

Washington Oct 20,2012(SDN)-Ololaha Doorashada Aqalka Cad ee Mareykankaayaa berihii u danbeeyay diirada lagu saaray xiriirka Mareykanka iyo China.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney ayaa ku eedeeyay madaxweyne Obma in uu u dabacsan yahay danaha dalka China oo uu sheegay in si sharci daro ah uga ganacsato una fadhateysato xogaha ciidan iyo kuwa ganacsi ee Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa dhankiisa ku eedeeyay Romney in uu shirkado China laga leeyahay la macaamilo isla markaana u waariday ganacsi mug leh dalkaasi.

Mitt Romney oo ah ganacsade caana ayaa muuqata in dhawr shirkadood oo China laga leeyahay uu lamacaamilo halka shirkad uu leeyahayna ay xarunteedu tahay China.

Dawlada China oo aan jecleysan eedaha iyo far ku fiiqida musharixiinta madaxtinimada Mareykanka ayaa sheegtay in laga waantoobo in lagu fogaado dhaleeceyntooda.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed