Taliyaha ciidanka Qaranka Gen. Shaqale oo ka Hadlay Hawl gal ay ku Qabteen Tahribiyaal ka yimid Itoobiyia&Somalia
Hargaysa Oct 20,2012 (SDN) Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed (Shaqale) ayaa ka warbixiyay hawlgal ay ciidamadda qaranku ku qab-qabteen dad tahriibayaal ka kala yimid wadamada Itoobiya iyo Somalia. Taliyaha oo la hadlaye saxafada ayaa tilmaamay in mudooyinkii u danbeyey ay xabaha somaliland ee galbeedka ay ku soo qulqulayaan tahribaal somali iyo itoobiyaana
Taliya Cidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Shaqale waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen boqolaal qof oo Itoobiyaan ah kuna celiyeen dalkoodii,isagoo intaas ku daray sidoo kale ay qabteen tahriibayaal kale oo ka yimid wadanka Somalia oo ay iyana dib ugu celiyeen magaalooyinkii ay ka yimaadeen.
Taliyuhu waxa uu cadeeyay inay sharciga hor keeni doonaan gaadiidkii tahriibayaashan soo qaaday iyo kuwii ka ganacsanayayba isla markaana waxa uu tilmaamay in Ciidamada qaranku ay yihiin kuwo u taagan difaaca dalkooda, kana go’an tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen cid kasta oo sifo khaldan dalka ku soo gasha amase kaga tahriibaysa.
Waxaa kale oo Taliyaha Ciidamada qaranku uu digniin u soo jeediyay dadka ku hawlan falalka guracan ee ku saabsan inay xeebaha galbeed ee Somaliland dad ka tahriibiyaan isagoo sheegay in arrintaas ay maskaxdooda ka saaraan
.
SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com