|

Abwaan Muuse Cali Faruur iyo Abwaan Xasan Qawdhan oo si heer sare lagu soo dhaweyey casiimada wadanka UK London

London Oct 20,2012( SDN) Waxa maanta soo gaadhay caasimada wadanka UK ee   london  labada  abwaan ee qiimaha ku leh   gayiga lagaga hadlo afka Soomaliga  labadan  Muuse Cali Faruur iyo abwaan Xasan Qawdhan ayaa ka qayb galay Somali Week oo sanadkiiba mar lagu qabto wadan kan Britain.

Shabakada wararka  ee qurbojoog.com/somalidiasporanews.com oo la kulantay labada abwaan ayaa waxay u shegeen in sanadkan laga badalay dhinacii fisaha oo ay mudo toban cisho ku sugnaan donaan cariga Ingriiska oo ay bandhigan uga qeybgeli doonaan.

Labada abwaan ayaa waxay soo bandhigi donaan gabayo iyo madadaaloyin looga hadlayo afka Soomaaliga, iyada oo ay fursad u tahay dadwaynaha ku dhaqan  UK inay ka soo qayb galaan ayamahan looga hadlayo dhaqankii soo jiraanka ahaa ee Soomaaliyeed waxiii warar kale soco qurbojoog.com iyo webka http://www.kayd.org/.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed