Xiriirka K Cagta Ashia Ayaa Raali Galiyey Markii Danyeerada Saxaaraha Ugu Yeedheen Xulka Imaaradka.
AFC-Oct-20-1012-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku falanqeyneynaa xiriirka kubadda cagata AFC(Ashian Football Confederation) oo ka raaligaliyey (Apologise) dalka Imaaraadka markii uu sarkaal ka tirsan AFC ugu yeedhey xulka qaranka kubadda cagta ee Imaaraadka Daanyeerkii Saxraaga (Sand Monkey).
Haddaba xulka qaranka ee kubadda cagta dalka Imaaraadka oo loogu yeedho (ALABYAD—-WHITE) ayaa runtii sumcad weyn ku leh hab ciyaarkooda lagana qadariyo Qaaradda Ashia.
Akhyaartay aflagaadadan ka soo yeedhey xiriirka kubadda cagta Ashia ayaa runtii waxaa si aad iyo aad ah ugu cadhoodey xiriirka kubadda cagta ee Imaaraadka dadweynaha iyo taageerayaasha oo dhan uguna baaqey iney ka raali galiyaan.
Afhayeen u hadlayey AFC ayaa ku tilmaamey dhacdadaas lagu la kacay xulka qaranka ee dalka Imaaraadka iney tahay mid aan la aqbalikareyn badhitaana wuu ku socdaa.
W/qorey Jaahuur
qurbejoog.com