|

Boorama: Dab Baa’biiyay Guri ay deganaayeen Qoys danyar ahi

Boorame Oct 20,2012(SDN/Hubaal)- Guri Jiingad ah oo deganaayeen qoys dan yar ah ayaa dab-qabsaday shalay  ku shuf-beelay. Gurigan oo ku yaalay xaafada Sh. Cali Jawhar ee magaalada Boorame, waxa ku noolaa qoys ka kooban 5 qof oo ay 3 caruur ahaayeen.

Dabkan ayaa ilaa hadda aan la garanayn waxa sababay waxana uu gebi ahaanba dhulka dhigay waxii hanti ahayd ee dhex taalay gurigan oo markii horaba aan sidaas u sii buurnayn.

Aabaha gurigan deganaa Axmed Diiriye Camuud oo ka hadlay dareenkiisa ayaa waxa uu ku cabiray dhibaatada qabsaday mid wayn oo naxdin badan, waxana isaga oo sheegaya sida ay wax u dheceen uu yidhi “ Xalay saqdii dhexe ayaan ku baraarugnay urta dabka iyo dareenka ololka, waxa aan dibada u gurney caruurtii, wixii intaasi ka dambeeyayna waxa is wada qabsaday dabkii mana jirin wax intaas dhaafsiisan oo hanta ah oo aan kala baxnay.

Dadka jaarka oo iyaguna ka hadlay xaaladan ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga naxeen dabkan xaafadan baabi’iyay, awoodna ay u waayeen inay damiyaan, waxana ay dalbadeen in loo soo gurmado qoyskan.

Dabka gurigan dhulka dhigay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay magaalda Boorama wali aanay hayn qalabka dabdamiska, isla markaana aanan la cadayn karin meeshii ay ku dambeeyeen ololeyaal badan oo lagu ururinayay lacago lagu soo iibiyo dabdamis ay Boorama yeelato.

SDN-Borama

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed