Cabdiraxmaan Saylici oo Ka sii Dardaar weriyey Cunfi iyo Isqab-qabsi Ku Yimaada Doorashada
Berbera Oct 20,2012 (SDN/Hubaal)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay socdaal fasax gaaban ah, waxaanu ka dhoofay madaarka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
“Waxaan u baxayaa safar fasax yar oo gaaban ah oo illaa todoba cisho ah oo aan ku tagayo dalka Imaaraadka carabta waxaanse mudada aan dalkaasi ku sugan nahay aan kulamo la yeelan doonaa shacbiga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka iyo dawlada Imaaraadka Carabtaba xubno ka mid ah oo ay ka mid yihiin Ha’yada bisha Cas ee imaaraadka ee toban ceel inooga qoday duleedka Hargeysa.”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo qolka Nasashada ugu waramayay Warbaahintu.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu shacbiga Somaliland iyo axsaabta siyaasadda u soo jeediyay inay doorashada deegaanka ee 28-ka Bisha November 2012 dalka ka qabsoomi doonta u galaan jawi nabad-gelyo oo la ilaaliyo maslaxadda guud ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaynu dhawaan galaynaa doorashadii deegaanka. Waxaan leeyahay doorashadani waa mid aynu ugu tartamayno uun maamulka degmooyinkeenna.
Waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha inay u diyaar garoobaan oo ay codkooda bixiyaan isla markaana doorashadda laga ilaaliyo wixii cunfi ah iyo is qab-qabsi ah.” “Waxaynu qaran ahaan rajaynaynaa in doorashadu inoo dhacdo si xor iyo xalaal ah, Ururadda siyaasada iyo xisbiyada ka qeyb-gelayana waxaan leeyahay ilaaliya oo dhawra Nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Madaxweyne Ku xigeenka waxa madaarka Berbera ku sii sagootiyay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah madaxda laamaha dawladda ee gobolkaasi.