|

Khal-khal Xalay Ku Yimid Adeega Xawilaada ee ZAAD Iyo Macmiisha Lacagaha Ku Keydsada oo Mar Keliya Isku Shubay Xarumaha TELESOM

Hargeysa Oct 20,2012(SDN/Hubaal)- Adeega Xawilaada Lacagaha ee ZAAD oo Macaamiisha shirkadda TELESOM  lacagahooda ku keydsadaan ayaa hawada ka baxay Xalay, kaas oo xannibay dhammaanba dhaqdhaqaaqyaddii adeegaasi oo muddo dheer dadweynuhu isticmaali jireen, isla markaana ku aamineen hantidooda.

Xannibaadan ku habsatay Adeegga ZAAD ayaa mar keliya lagu war helay isaga oo aan shaqaynayn, kadib markii Mishiinka Xogta hayaa (Data Server) khalkhal ku yimi, waxaana dadweynuhu mar keliya isku shubeen xarumaha ay shirkaddu  ku leedahay meelo kala duwan ee dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Hujuumkii iyo garnaqsigii dadweynaha u ah macaamiisha Shirkadda TELESOM ku beegsadeen goobaha maamulka ee shirkadda, ayaa jawaabihii ay masuuliyiinta ka heleen noqdeen kuwo waji gabax ku riday dadweynihii xalka soo biday, iyadoo lagu arkayey goobaha adeegga ee shirkadda TELESOM dadweyne cadhaysan oo ka werwer qaba khalkhalka ku yimi maaraynta hantida ugu jirtay telefoonadooda gacanta.

Arrinta ugu darrani waxay ahayd markii dadweyne tiro badan oo jooga meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ahi ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan waxyaabo kala duwan oo ay isticmaaleen, gaar ahaan waxa ceebi ku dhacday qaar ka mid ah macaamiisha Telesom oo hudheelada kala duwan ee caasimada Hargeysa cuntooyin kala duwan ka cuneen ka dib markii ay sida caadada u ahayd isku dayeen inay iska bixiyaan cuntooyikii cuneen, ayaa waxay mar kaliya ku war heleen xannibaad baahsan oo ku habsatay halkii ay lacagtooda ku shubeen.

Macaamiil faro badan ayaa habeenkii xalay u xidhnaa dayn uu sababay adeegga ZAAD-ku oo shaqadii joojiyey iyadoo la arkayey bahdilaad iyo xaqiraad aan ilaahay badin oo lagula kacayey dadkaa u xayiran adeega ZAADKA,.

Hadaba markii ay arrintaasi ku habsatay dadweynaha la macaamila shirkadda Telesom, ayaa wariyayaasha iyo hawl wadeenada wargeyska Hubaal qaar ka mid ahi u hawl galeen xaqiijinta dhibaatada uu keenay adeegga zaadka ee istaagay, waxana  ay wariyayaasha Hubaal kula kulmeen goobaha iyo xarumaha shirkadda Telesom dadweyne ka cadhaysan xannibaada uu adeegani ku keenay habsami u socodkii noloshooda iyo shaqooyinkaba waxana uu wargeysku wax ka weydiiyey dareenka ay dadweynuhu ka qabaan hakadka ku yimi habkii ay lacagtooda uga isticmaalayeen telefoonkooda shaqada, waxana uu sheegay mid ka mid ah dadweynaha lacagtu ka xannibantay, “hawlo muhiim ah oo aan u baahnaa ayaa muddo dheer iga xannibnaa, illaa hadana wax jawaab ah oo aan ku qanco kama hayo shirkada masuulka ka ah waxa igu dhacay, markaan axwaashayda u sheegtayna waxay iigu jawaabeen waa cillad aanaan imika maarayn karayn ee waa inaad na sugtaa,” mid kale oo ka mid dadweynihii xalay caddibaada badan kala kulmay shirkada TELESOM oo magiciisa qariyey ayaa wargeyska Hubaal u sheegay sidan,  “waxan ka casheeyey mid ka mid ah Hudheelada magaalada Hargeysa, ka dib markii aan is idhi lacagta iska bixi ayaan ogaaday inaanu adeegu haba yaraatee shaqaynayn, ka dib ninkii hudheelka haystay ayaan u sheegay dhibaatada xagga ZAADKA iga haysata, nasiib darro se waxa uu iigu jawaabay inaanay hawl u taalla ahayn dhibka ka taagan adeegga Zaadka, waxana uu afkiisa kaga dhawaaqay inuu I xidhayo haddii aanan lacagtiisa siinin, waxase kasii darnayd markii aniga oo halkii taagan oo aan dhinacna u dhaqaaqin ay igu soo biireen dadweyne kale oo faro badan oo u xanniban adeega ZAADKA, muddo dhawr saacadood ahna waanu xanibnayn illaa aanu telefoono diranay oo lacag kaash ah naloo keenay,”

 

Waxa kale oo uu intaa ku darayaa wargeysku in ay ugu jawaabtay haweenay ka mid ah dadkii safafka dhaadheer ugu jiray si looga qanciyo dhibka ku yimi habkooda maaliyadda “dhibaatada caawa oo kaliya I gaadhay ilaahay uunbaa garanaya, waxan se canaanayaa naftaydda oo kaliya, waayo anigaa waallaa markii aan intaan lacagtaydii shirkada TELESOM ku shubay aniguna hawo madhan ku beddeshay, taasina waa khalad aan galay, imikana waxan ka kari la’ahay waar bal lacagtaydii uun I siiya,”

 

Khalkhalkan ku yimi Adeegga ZAADKA ee shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa ah mid had iyo jeer soo noqnoqda, waxana marar badan dhacda in dhamaanba shaqooyinka faraha badan ee ka socda magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimada Hargeysa oo adeegani uu si aad ah uga hirgalay ay xannibmaan oo habsami u socodkii hawlaha ganacsigu uu lumo, waxana dhacda in markasta oo dhibkani yimaaddo ay hawlwadeenada shirkadda TELESOM ku guul darraystaan inay xal deg deg ah u raadiyaan, haddayse tani sii socoto waxa la gaadhi doonaa heer ay dadweynuhu ka aamin ka baxaan adeeggan ZAADKA oo imika si aad ah wadanka looga isticmaalo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed