|

Nin Xaaskiisii u furay foolxumo awgeed (Dhacdo Qosol Badan )

Guurku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan nolasha qofka, waase hadii uu helo Oori (xaas) ama Say uu ku negaado ama ku nagaato, taasi oo ay ku lamaansan tahay baraaraha nolasha ama guuldarada.

Inaad hesho qof nolasha kula wadaago waxay kugu qaadan kartaa waqti kooban ama mid dheer hadiise uu noqdo guurku mid rayn rayn leh oo rajadii la lahaa la gaaro halkaasi waxaa ka bilaabata nolol cusub iyo aasaas qoys, balse taasi hadii la waayo natiijadu waxay noqotaa “nagu kala wad” iyo in dhabarka la is xijiyo iyadoo furiinku ku yimaado ugu weynaan in la isku fahmi waayo nolasha waana halka marka uu dhaco furiinku qof kasta niyada ku qabiijiyo “Calafka ayaa intaasi ku ekaa”.

Hadaba furiin ka duwna kuwa caadiga ah ee lamaanahu ku kala boodaan ayaa dhawaan ka dhacay dalka Shiinaha ka dib markii nin lagu magacaabo Jian Feng uu maxkamad tagey, isagoo sheegay in uu doonayo in uu furo xaaskiisa isagoo sabab uga dhigay fool xumo uu indhaha la siin karin, taasi oo u muuqata markii uu guursanayey inaanu u jeedin oo ay ka aheyd mar uun aroos.

Dood dhanka sharciga ayaa ka dhalatey in ninkaasi uu u leeyahay xaq in uu xaaskiisa u furo foolxumo darteed, waxaase la sheegay in dacwada iyo dooda oo mudo jiitamaysay ay keentey ugu dambeyntii in Feng uu ku guuleysto doodiisii sidaasi sharci iyo qiil uu ugu helay in uu xaaskiisa u furo foolxumo ay la soo waji kaduudan tahay.

Laakin sheekada dulucdeedu waxay soo shaac baxdey ka dib markii Feng xaaskiisa ay dhashay gabar taasi oo aan u ekyn labadeeda waalid waa hooyada iyo aabaha, arintaasi waxay shaki iyo walaac ba’an galisay Jian Feng isagoo kula dooday xaaskiisa in ay u soo bandhigto ilmahan hadii nin kale oo uu dhalay oo ay khiyaano kula kacdey, balse markii doodu jiitamaysay ayay xaaskii Feng waxay daaha ka rogtey sheeko la yaab leh oo ah in aanay muuqaalka soo jiidashada leh ee ay isku guursadeen oo ay isku sameysay qaliin is qurxin balse ay leedahay muuqaalkeeda rasmiga ah oo ay soo bandhigtey taasi oo caro iyo madax xanuun ku ridey Jian isagoo markii ay hortimid xaaskiisa ayna la soo baxdey muuqaalkeeda rasmiga ah uu go’aansadey inaanu la sii joogi karin foolxumadeeda uuna sidaasi ku dalbadey in uu furo.

Jian Feng in uu furo xaaskiisa uguma harine wuxuu maxkamada ka dalbadey magdhow lacageed oo gaaray 120 kun oo doolar oo uu ku sheegay inay kaga baxdey arooska labadooda taasi oo loo xukumay lacagtaasi in ay u soo celiso xaaskiisa uu uga cararay foolxumada.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa arintan todobaadkan si weyn u hadal haysa waxaana la sheegay in haweenayada ay sidoo kale ku bixisay 100 kun oo doolar in ay isku qaliin isku qurxinayso oo ay isaga sameysya wadanka Kuuriyada Koonfureed.

 

Xafiiska qurbojoog.com

uk london

Comments are closed