|

UBADKII WADANKEENA IYO AAYIHII UMMADEENA.

Aduunyadu waxay kujirtaa tartan loo tartamayo dhaqaale,horumar ,awood iwm,ummadeena Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kahartay tartanka 20 sanoo lasoo dhaafay noqotayna ummad tusaale loosoo qaato marka laga hadlayo Jahliga, nabadgalyo xumida ,gaajada iwm. Ayaa waxaa soo iftiimaya isbedal rabitaan horumar.

Iyadoo ay uu muuqato Rajo ,ummadaSoomaaliyeedna laga dareemayo hiddidiilo iyo hami ka guuxaya inay kagudbaan dowlad la,aanta raagtay ayna dhalatay dowlad taam ah oo si xalaala lagudoortay ,ayaa waxaa is weydiin mudan waa maxay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoon shaki kujirin in horumarka la hiigsanayo in ay kow ka noqdaan in lasoo saaro dhalinyaro xayi ah oo miyir qabta, oo latartanta dhalinyarada Aduunka.

Hadaba sawirka kamuuqda muqdisho iyo dhibaatada Qaadku kuhayo dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxaa la oran karaa macquul ma aha in horumar lagaaro.
Waxay dowladaha dariskeena ahi dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo kordhinlahaa Qaadka wadankeena lageeyo iyo in lagu fidiyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ,miyi iyo magaalo, dhalinyaro iyo ciroole, rag iyo dumar, inay ummada Soomaaliyeed noqoto kuwo laasima Cunista qaadka ooo aysan bulshada Soomaaliyeed marna madaxa kor uqaadin ,
Qaadka oo ah hub loo adeegsado in lagu burburiyo qoysaska Soomaaliyeed ,lagu dhumiyo Tarbiyada aasaasiga ah ee caruurta, dhanka kalana in lagu curyaamiyo dhalinyarada Soomaaliyeed , dhaqaalaha wadankana lagu gurto diyaarado maalin kasta. Ayaa waxaa laga warsugayaa madaxda Soomaaliyeed inay arintaas aadka u balaaran ay wax kaqabtaan , laakiin waa ayaan daro weyn in la iska indho tiro,dhagahana laga furaysto dhawaaqa kasoo yeeraya wax garadka Soomaaliyeed. Oo ku aadan in laga hortago dhibaatada balaaran ee Qaadku kuhayo dalkeena iyo Da’yarteena.hadaanu nahay bahda ladagaalankla Qaadka waxaan kacodsanaynaa masuuliyiinta iyo Madaxda Soomaaliyeed inay arintaas tilaabooyin cad-cad kaqaadaan..

Gudoomiya Ladagaalanka Qaadka
Abukar Awale. ( Qaad Diid

Uk London

Comments are closed