xukuumada A.M.siiraanyana way ku dadaashay dantii guud dadkana waxaa wada gaadha danta guud!!!!
Hadaba tan iyo intii xukuumada madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo la wareegtay xilka waxaa ay ku talaabsatay wax qabad guud oo dadka wada gaadha kaasi oo ay ka mid yihiin idaacada uu madaxweynuhu furay tviiga qaranka oo meel walba laga daawado, wadooyinka laga sameeyey gobolada dalka iyo caasimada oo aan u jeedono in maalin walba wado la furo,madaarada dalka oo hawshoodu si fiican u socoto isla markaana la mid ah kuwa caalamka, shaqaalaha oo si fiican loo tababaro, dhismayaasha wasaaradaha oo maalinba mid la dhagax dhigo dhismayaashoodana aan aragno halka ay marayaa,dhaqaaalaha dalka oo si fiican loo urururiyo, arimhii dibada oo si fiican u shaqeeya,hawl maalmeedkii wasaaradaha oo aad arkayso in ay u socdaan si la qiyaasi karin,tababarada ciidamada qaranka iyo booliska oo si fiican loo habeeyo.
waxaa iyana xusid mudan in tiiviiga qaranku aanu gaadhi jirin meel fog balse intii xukuumadan kulmiye la wareegtay xilka laga daawado daafaha dunida balse seddexdii xukuumadood ee hore aanay ku guulaysan in warabaahintaasi oo kale sameeyaan.
Gunta iyo gabagabada waxaan usoo jeedinayaa ururada cusub in ay u mahadceliyaan madaxweyne A.m.siiraanyo sida wanaagsan ee uu ugu ogolaaday in ay siyaasada meel ka soo galaan taasi oo aan hore u jirin balse uu madaxweyne Axmed.m.siiraanyo ogolaaday in rag cusubi ku soo biiro saaxada siyaasada iyada oo la ogolaaday in la furo ururada siyaasada oo ahaa qodobka ugu weyn in la xusana u baahan ee uu ku dhiiraday Madaxweyne A.M.siiraanyo.
Waxaan hubaa in labada sano ee soo socda ee xilk odayga uga hadhayna ay fuli doonaa intaasi iyo in kale oo lagu daro sidaasi ayayna danta guud dadka u wada gaadhaa dan gaarse qof kali ah ay ku kooban tahay.