Murrashaxa Jagada Madaxweynanimada Xisbiga UCID Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Berbera,
Berbera , October 18, 2012 (Qurbojoog.com) – Musharaxa jagada madaxweynanimada ee UCID-da cusub Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Maant si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, ka dib markii uu ka soo laabtey safar shaqo oo uu beryahan-ba ku marayey qaar ka mida waddamada Yurubta.Jamaal Cali Xuseen oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in safarkooda ay ku marayeen qaar ka mida waddamada Yurubta uu ahaa mid ay taageero ku doonayeen, isla markaana ay ugu diyaar garoobayeen doorashada Golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto 28 November 2012-ka.Waxaana Madaarka ku soo dhaweeyey Murrashaxa jagada madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), Guddoomiyaha Gobolka Berbere ee Xisbiga UCID Rooda Axmed Yaasin, iyo murrashixiin Xisbiga UCID uga qeybgeli doona tartanka doorashada Golayaasha deegaanka oo ay ka mid yihiin Cabdi Jamaal Ducaale (Cabdi Musbaar), Xasan Saleebaan Aadan (Fiyoore), Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf iyo qaar kale oo tira baddan oo aan halkan lagu soo koobi kareyn.
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com