|

Maxay Xukuumaddu U Daawaneysaa Dhacdooyinka Soo Noqnoqonaya Ee Deegaanka Ceel-bardaale

Gabiley Oct 18,2012(SDN)-Waxa shalay iyo dorraad soo noqnoqonaya dhacdooyin yar yar oo laga yaabo haddhow inay keeni karto dhacdo aan laga soo waaqsan Karin, oo horseedda dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo haatan maraya in laysku adeegsado oo rag lagu dilo budhadh iyo gudmo, dhaawacoodana la keenay dhakhtarka Gabiley.

Taasi waxay keentay inay dadweynaha reer Gabiley is weydiinayaan, halka ay ku danbeysay guddidii uu u magacaabay inay soo afjaraan shaqaaqada u dhaxaysa labada beelood, ee ka soo kala jeeda degmada Dila iyo Gabiley, ahna kuwo aan sinaba u kala maarmayn. Waxa uu madaxweynuhu iska daba magacaabay tiraba labo gudi oo aan midnaba la arag magacow mooyee. Ceel bardaale oo dhacdadii ugu danbeysay ay ku baro kaceen dad ka soo jeeda  deegaanka Gabiley.

Kuwaas oo guryahoodii iyo beerahoodiiba faro madhan ka jooga. Waxa ay dadkaasi ku dedaaleen bal inta ay dhan u dhacayso inay sugaan oo ay u adkaystaan baahida iyo rafaadka ay ku noolyahay, iyagoo dadkaa soo baro kacay ilaa dhawr jeer laga sii daayey tv yada  inay u baahan yihiin raashin iyo hu’ba.

Hadaba doraad ee u danbaysay ee ay koox ka soo jeeda  deegaanka dilaad dhaceen adhiyo ay lahaayeen kuwo ka soo jeeda deegaanka Gabiley, dabadeedna waanwaan iyo maslaxad  maanta loo kala celiyey. Iyadoo ay ka qayb qaateen taliyaha qaybta,iyo xog hayaha Gabiley iyo mas’uuliyiin Dila ka soo jeeda.

Lama garanayo sababta ay dawladu ilaa hadda uga gaabinayso iyadoo w/arimaha guduhu warbixino dhowra loogeeyey. Oo aanu ilaa hada waxaba ka qaban waxa kaloo iyana aad looga yaabanyahay masuuliyiinta xukuumada ku jirta ee ka soo kal jeeda deegaanka sababta ay u lexejecleeyihiin degaankooda, sida ay masuuliyiin ka soo jeedaa u lexejecleeyeen Kalshaale.

Haddii ay u haysteen dhiga deegaanka ka dhacaa ayku helayaan xilal taasi waa been waana mushkilad yar, waxa ka dhexeeya.

Madaxweyne sidaad Kalshaale ugu hagar baxday Ceelbardaalena ugu hagar bax. Dalka waad ka wada talisaaye.

Shacbiga labada beelood m/weyne waxay u baahanyihiin nabad. Haddii aan imika la dhamayn dadkani waxay isugu imanayaan dooxa oo ay biyo ka waa raadsan doonaan inagoo imika galnay xilli roobku uu joogsaday oo qolo waliba biyo raadsan doonto. m/weyne kor iyo hoosba lagada shacbi way kula hadleen….

Bil qariye Gabiley

Comments are closed