Xildhibaanada Wakiillada oo Ansaxiyey Xeer Lid ku Ah Dastuurka oo Laga Dheegtay NSS-tii Afweyne
Hargeysa Oct 18,2012(SDN)-Qoddobo Ku Jira Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland (National Intelligence Agency) ee Xeer Lr. 59/2012 ayaa si toos ah uga hor imanaya Xorriyadda Aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xaqa qalinka iyo warbaahinta ee uu Jidaynayo Distoorka qaranka JSL. Xeerkan oo golaha wakiilladu toddobaadkan duuduub ku ansaxiyeen kadib markii guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgalyadda ee goluhu muddo ku hawlanaayeen samayntiisa oo ka kooban 23 qoddob ayay xildhibaanadda golaha wakiilladu hal dabo la’ ku meel mariyeen iyaga oo aan wax dood ah ka gelin.
Xeerkan oo aan la shaacin isla makraana warbaahinta loo diiday ayaa Wargeyska Hubaal ay u suurto gashay inuu helo nuqul kamid ah Xeerkan, kaas oo qoddobada ku jira ay badankoodu ku arooraan waajibaadka Hay’adda sida raadinta, xuuraaminta (intelligence), dabogalka xogta iyo wararka iyo hawlaha kale ee ay xil saaran tahay waxa si toos ah loogu xusuusanayaa Nidaamkii ay ku hawl geli jirtay Hay’addii NSS-ta ee Taliskii Afweyne u adeegsan jiray bulshada reer Somaliland, kuwaas oo ka hor imanaya shuruucda dalka u taalla iyo xeerarka kala duwan ee xuquuqda aadamaha.
Tusaale ahaan Xeerkan waxa ku jira Qoddobo ku wajahan faaf reebida qoraalada iyo qalabyada warbaahinta iyo Ujeeddada ay u samaysan yihiin Hay’addaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta madaxa banaaniba. Haddii aynu ku horayno Dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa xuquuda saxaafadda iyo xorriyadda ra’yi dhiibashada. Xeerkan Hay’adda Sirdoonku waxa uu isaguna awood u siinayaa dawladda in ay si fudud tallaabo uga qaadi karaan Saxaafadda madaxa banaan ee wax ka sheegta masuuliyiinta iyo madaxda qaranka isla markaana ay goorta ay doonaan baadhi karaan xarumaha warbaahinta, waana kan qoddobka 7aad ee Xeerkan oo ah xilka iyo waajibaadka Hay’adda, farqadihiisa 1aad, 10aad iyo 11aad oo odhanaya sidan, “1aad. Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho(intelligence service). 10aad.Ka hortaga dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada, sumcada iyo sharafta qaran nimada JSL. 11aad. La socodka qalabyada warbaahinta, qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahanyihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsanyihiin iyo waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda),”
Marka loo dhabbo galo nuxurka uu qoddobkani xambaarsan yahay waxa uu si toos ah ugu dhereran yahay in Suxufigii ama wargeyskii wax ka qora masuuliyiinta qaranka xilkay doonaan ha hayaane si aan gabbasho lahayn tallaabo looga qaado isla markaana la cabudhiyo qalinkiisa,. Waana qoddob la odhan karo waxa weeye mid in badan loo doondoonayey saxaafadda madax banaan.
Haddaba Maxaa uu Dastuurka qaranku ka odhanayaa hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyda saxaafadda madaxa banaan, bal dhugo qoddobka 32aad ee dastuurka, farqadiisa 3aad oo odhanaysa, “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda ; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo”.
Isku soo xoori oo SAxaafadda madaxa banaan, ta Caalamiga iyo difaacayaasha xuquuqal aadamaha waxa looga fadhiyaa insidii looga hor tegi lahaa ka xeerkan isla markaana Golaha Guurtida looga dhex ololayn lahaa in wax ka beddel lagu sameeyo, iyada oo laga saarayo qoddobka 7aad, isla markaana golaha wakiillada dib loogu celin lahaa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com