|

Mujaaahid Kahin“Xabaalo Wadareedyada La Helay Wax Umadda Soomaaliyeed Lagu Sameeyey May Ahayn Ee Wax Cid Gaar Ah Loogu Talo-galay Bay Ahayd”

Hargeysa Oct 18,2012(SDN/Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Talada haya ee Kulmiye Maxmaed Kaahin Axmed ayaa sheegay in cawaaqib xumadii iyo cadaadiskii Rajiimkii Siyaad Barre gaadhsiiyey Shacabka reer Somaliland ay Natiijadii ka dhalatay ay weli haysato Somaaliya.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo shalay  hadal ka jeediyey 26 guuradii ka soo wareegtay Maalintii shuhaadada SNM SMN oo maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.
Waxaana hadaladii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ka mid ahhaa “Waxaanan u ducaynayaa intii ka shahiiday mujaahidiinta oo aynu leenahay ILAAHEY naxariistii jano ha ka waraabiyo, waa shuhado xaq darro ka soo dagaalantay , maalintan waxa aynu iskugu soo min guurinay in la xuso dhamaan shuhadadii SNM.”

Waxaanu intaas ku daray “Inkasta oo aanay maalin wada dhimanin ee ay maalmo kala jaad ah wada dhinteen, maalinta waxa loo qaatay waxa ka mid ahaa dadkii maalintaa shahiiday Maxamed Xaashi Lixle oo ah ragii ugu qiimaha dheeraa ugu taariikhda dheeraa ugu halganka adkaa ee gudaha ka soo bilaabay ayaa ka mid ahaa ragii shahiiday,”

Muj. Maxamed Kaahin oo ka hadlayay taariikhdii xuskan iyo qiimaha ay maalintani leedahay, waxa uu yidhi “Waana maalintii ay tiradii ugu badnayd ay goob ku wada dhimato, waana maalintii ay dhawr iyo labaatan kale meel ku wada dhimatay, dabadeedna dhawr iyo kontonkaa Mujaahdi lagu wada aasay meel isku wada mid ah. Dhaqdhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed ee 1981-kii aasaasmay iskamay aas aasmin ee uu waxa uu u aas aasmay duruufo, waxaana aynu duruufahaasi kala mid ahayn jabhada badan oo nooceena oo kale ah oo dunida oo dhan ka abuurmay, waxaana jabhadaasi waxa ay ka dagaalamayeen u dheeraa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed xabaalo wadareedyadan ilaa imika la helo ee ilaa inta u dhaxaysa Gabiley iyo Ceerigaabo laga helo, kuwaasi ayaa ka gaar ahaa ee wax umadda Soomaaliyeed oo dhan lagu wada sameeyey may ahayn ee wax cid gaar ah loogu talo galay ayey ahaayeen.”

Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Cawaaqib xumadii ka dhacdayna waa ta Somaliya haysata, SNM waxyaabaha ay taariikhda ku lahayd waxa ka mid ahaa cawaaqib xumadii koonfur ka dhacday, midhaha iyo nabada Somaliland lagu naaloonayaana waa mid ay iyadu horseed ka ahayd, Lixle oo aan halkan sawirkiisa ku hayo waxa uu ragii ugu hor talaabay ee aqoonta la biday, markii 1977 dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka qarxay ee diyaaradaha caalamku galeen warshadihii dibadaha lagu sameynayey Gabiley ayuu ka dhigay xaruntii warshadaha lagu sameynaayey, waxaanay abaal marintiisii noqotay kacaan diid baad tahay, dabadeeto halkaasi ayey SNM ka aas aasantay.”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay ka qeyb-gasho munaasibadaha lagu xusayo halgankii dib u xoraynta dalka, waxaanu yidhi “Waan ka xumahay waxa ay ahayd inay xafladan Wasiirrada Xukuumaddu joogaan lagama maarmaan ayey ahayd, waxaanan Madaxweynaha leeyahay maalintan 17 October xukuumaddu waa inay joogtaa oo ay ka muuqataa”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed