Koob uu Dhigay Musharrax Sallo oo Lagu Soo Gebogabeeyey Garoonka Gacmo Dheere iyo Kooxdii Guushu Raacday
Hargeysa Oct 17,2012(SDN/Hubaal)- Tartan dhinaca kubadda Cagta ah oo uu dhigay Musharrax/Mujaahid Saleebaan Xuseen Axmed oo kamid ah Musharraxiinta doorashada golaha deegaanka Hargeysa uga tartamaya urur siyaasadeedka Rays ayaa lagu soo gebogabayeey garoonka kubadda Cagta ah ee 12-ka October ee degmadda 26 June ee magaalada Hargeysa.
Tartankan oo muddadii uu socday ay ka qayb galeen 12 kooxood oo kamid ah Kooxaha da’yarta ah ee ka jira degmada 26ka june ayaa dorraad lagu soo gebogabeeyey garoonkaas iyada oo ay iskaga horyimaadeen labada kooxood ee Arsenal iyo Danan oo iyagu isugu soo hadhay wareegii kama dambaysta ahaa e tartankaas, waxaana daawashadeeda ka qayb galay oo goob joog ka ahaa Musharraxa Koobka dhigay iyo mas’uuliyiinta urur siyaasadeedka RAYS.
Musharrax Saleebaan Xuseen Axmed (Sallo) oo ka warramay ujeeddada uu u dhigay koobkan ayaa sheegay in ay qayb ka tahay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu damacsan yahay in uu bulshada u qabto haddii uu ku soo baxo doorashada deegaanka, Mujaahid Sallo waxa uu tilmaamay in garoonkan yaraantiisii ku ciyaari jiray isla markaana uu dhigan jiray dugsiga 12-ka October ee garoonku magaciisa sito.
“Horta aniga laba farxadood bay ii tahay oo waa iskuulkii aan dhigan jiray dugsigaygii hoose dhexe iyo garoonkii aan ku ciyaari jiray oo aan maanta xaflad koob ciyaareed ah ugu qabto 12 kooxood.” Sidaa ayuu yidhi Murrashax Sallo, waxanu intaa ku daray “Waxa aan idinka ballan qaadayaa in xoogayga iyo xoolahayga wax aan idinka hagran doonaa inaanu jirin, haddii aan ku soo baxo doorashada”.
Musharraxa ka dib waxa isaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin Xoghayaha guud ee ururka RAYS iyo xubno kale.
Dhinaca kale labada kooxood ee isugu soo hadhay ciyaarta kama dambaysta ah ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo xirfad iyo xeelladi ku dheehan tahay. Waxaanay Ciyaartu ku dhammaatay barbar dhac, halkaas oo markii dambe lagu kala saaray Gool ku laad (rigooreyaal). Waxaanay guushu raacay oo ku guulaystay Koobka Kooxdii ku ciyaaraysay magaca Arsenal.
SDN-Hargeysa