|

Guddoomiyaha Dhawrista Tayada Oo Fadhiidnimada Hay’adiisa U Nisbeeyey Qalab La’aan

Hargeysa Oct 08,2012 (SDN/Hubaal) – Guddoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland Siciid Saleebaan Mire ayaa sheegay in caqabadaha ugu weyn ay ku ogaan lahaayeen badeecadaha dhacay ee dalka soo gala ay ugu horreyso shaybaadh aanay hay’addoodu lahayn.

Siciid Saleebaan Mire Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo shalay u warramay Gabiley News waxa uu difaacay wada shaqayn ka dhaxaysa iyaga iyo Hay’adda WFP, taas oo uu sheegay inay ka dhaxayso wada-shaqayn wanaagsan oo ay siyaasad cad uga dejisan tahay.

“Hay’adaha caalamiga ah sida WFP ama hay’addaha kaleba ama Dawooyin ha keenaan ama Cunto ha keenaan waxa naga dhaxaysa wada-shaqayn wanaagsan,” ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxanu intaa ku daray, “Markii hay’adan la abuuray waanu la kulanay hay’addahaas (WFP), waxaanu siinay Siyaasada iyo qaabka aanu u shaqayno, waxaanu samaynay Nidaam aanu ku wada shaqayno marka Raashin imanayo oo ay Dekedaha ama Kastamada marayaan hay’addu Xafiisayo ayey ku leedahay Kastamka Berbera iyo Madaarada-ba, Wajaale, Saylac iyo Laascaanood meelahaas oo dhan-ba hay’addu Xafiis-bay ku leedahay Shaqaalaana jooga wixii soo mara waa la eegaa, waxyaabaha qaar-baa waxay u baahan yihiin Waraaqo wixii Cunto oo kale baadhitaan baanu ku samaynaa.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyey Su’aal ah in dhawaan ay hay’adda WFP dalka soo gelisay Buskud dhacay, waxa uu kaga jawaabay, “Buskudkan aad I weydiisay wuxuu ka yimid Laascaanood-baa laga soo raray oo Xafiis ay Laascaanood hay’adda WFP ku leedahay ayuu ka yimid wuxuu u soo socday Berbera, laakiin khaladku meesha uu ka yimi waxa weeyaan Dirawlka waday gaadhigaas Warqado muu sidan Kastam-kaana qabtay oo hay’adda u yeedhay markaas sidaas ayaa lagu joojiyey Raashinkaas, laakiin sida kale wada-shaqay fiican-baa naga dhaxaysa.”

Waxa uu intaas ku daray Guddoomiyuhu “Waxaanu wada shaqayn la leenahay Dawlada hoose, waxaanay Gobol walba masuul uga tahay Dhulka danta guud iyadaa Nidaamisa oo diyaar-garaysa meeshii Albaata dhacday lagu gubi lahaa markaa wixii Kastamka ama Dekedaha ka soo dega waa lagu hayaa waa la gubaa Dekeda Berbera waxa yaala ilaa Afar Konteenar oo ay ku jiraan Malab iyo Cuntooyin badan oo kala jaad-jaad ah markaa Salaasadan soo socota ayaa la gubi-doonaa, Bulshadu-na wey soo sheegtaa oo wixii wax arkaa wey na la soo socod-siiyaan”

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Siciid Saleebaan Mire waxa kale oo uu ka hadlay caqbadaha ka hor-taagan Alaabooyinka dhacay ee Dalka la soo geliyo, waxaanu yidhi; “Dhibta ugu weyn hay’adda haysataa waxay qayb ka tahay dhibaatada Somaliland haysata, Somaliland waa Wadan yar oo cidna aanay Ictiraafin oo Dhaqaalaheedu kooban yahay marka loo eego Wadan qiyaastiisa lagu qaiyaaso saddex Milyan iyo badh, Dakhliga soo galayaana toban noqdo, waxaad qiyaas ka qaadan-kartaa Shaqaalaha Dalka ka shaqeeyaana waa Todoba kun iyo sideed Boqol, saddex Milyan oo Sideed kun oo kaliya ka shaqayso markaa dhibta hay’adda haysataa dhibtaas uun bay ka mid tahay waxa ugu mudan ee loo baahan-yahay waa inuu Dalku yeesho Shaybaad caalami ah, Shaybaadhkaas caalamiga ah waxaynu kaga bixi karnaa dhibaatooyin faro-badan.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed