|

DIGNIIN CULUS : TAGEERAYAASHA XISBIGA UCID EE OTTAWA CANADA SIFIICAN U AKHRI KANA BOGO MACNAHA DIGNIINTAN

Marka hore waxaan salaamayaa warbaahinta madaxa banaan meelkasta oo ay dunida ka joogaan Waxaan kaloon salamayaa dhamaan shacbiwaynaha somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaanu maanta qalinka u qaadanay
Waxaa baryahan danbe saxaafada ku soo noqnoqonaayey maqaalo aflagaado ,been abuurad iyo inkiraad isugu jira kaas oo uu keenay sas laga qaaday
Taageerada buuxda ee uu gobolada dalka ka helay xisbiga ucid baryahan danbe.
iyadoo ay u eegtahay inuu gobolda dalka dhamaan meel fiican ka ciyaarayo
Iyadoo ay hada xisbiga ucid uu ku yimid isbadal wayn kaas oo uu sababay aqoonyahan jamaal cali xuseen oo ah nin heerkan iyo midkasii fiicanba gaadhsiinkara xisbiga.
Hadaba waxaa jirta in ay dad sas ka qadeen xisbiga ucid oo ay meel walba iyo goobkastaba ,maqaaxi kastaba goobkastooy noqoto ,ilaaxataa melihii jaaliyadu iskugu imanjireen ay afkaarta ku kala qadanjireen sida goobaha shaaha timhortonska oo kale ay lataganyihiin aflagadada iyo beenka abuuradka xisbiga
Waxaa jirtay in hore ay u yidhaadeen xisbigu waxaa uu qabsanayaa daahfurkisii Canada gaar ahaan Ottawa taas oo been ahayd balse dadka lasoo jabinayay si xisbiga ucid loo arko in loo wayey dhaqaale ama taageero loo waayey .imikana waxay gaadheen heer ay websiteka soo galiyeen waxaa is haysta madaxdii xisbiga ucid waa faysal cali waraabe iyo jamaal cali xuseene taas oo ah warar xaqiiqda ka fog waxaa kale oo jira inay malintii shalay soo galiyeen websiteka tageerayaasha xisbiga ucid ee north america oo dhaqaalle ku fillan u wayay qabashadii daahfurkii xisbiga ucid ee Ottawa .Taas oo ahayd mid xaqiiqda ka fogayd ahaydna been abuurad .Hadaba waxaan leenahay dadka waxaas samaynaya xisbi caydii iyo nin musharaxa caydii ama been abuurad aad samaysaan waa wax ka fog biniadam nimada xaga ilahay iyo xaga biniadamkaba dadkani miyaanay ahayn dad inuun ilahay yaqaana miyaanay ogayn in meentu ay tahay wax ilahayba nacay subxaana watacalaa waxaanu uga digaynaa dadkaas inay joojiyaan cayda ama aflagaadada ay ladaba taaganyihiin xisbiga lama diidana hadaad xisbiga siyaasadiisa ama sida wax u wado aad ku qanci waydo   lakiinse aflagaadada ama personal attackgu maaha wax quruxbadan sidoo kale in aad been abuurad qaawan aad ka samaysaan xisbiga maaha wax aad magac ku helaysaan ee waa wax aad sharaftuun iskaga qadaysaan WARGELIN:hadaanu nahay jaaliyada Somaliland ahna tageerayaasha xisbiga ucid  ee ku sugan  dalka canada gaar ahaan magalada Ottawa waxaanu u sheegaynaa inay jiraan dad daba galay xisbiga ucid oo ladaba taagan cay,aflagaado iyo been abuurad qaawan oo xisbiga lagulakacaayo taas oo ay dad aan lagaranayn waxay yihiin iyo xagay ka socdaanaba uu xisbiga ucid ladaba galeen iyagoo adeegsanaya websiteyadeena hadaba waxaanu leenahay shacbiwaynaha somaliland meelkasta oo ay jogaan inaanay rumaysan ama dhagaysan waxay dadkaasi soo qoraan warxuma tashiilkuna uu meelwalba buuxo Waxanaan idiin sheegayaa xisbiga ucid waa xisbi qaran oo aan u joojinayn maqaaalada aan loo meeldayeeyn ee lasoo galinaayo saxafada xisbiga ucidna waxaa uu qaatay halkudhiga odhanaya (HADAL YAR IYO HAWL BADAN )shacbiga reer somaliland aadbay uga dharagsanyihiin xisbiga ucid kalmad yar oo nin maciin moodaya uu yidhi waxba ma yeelayso xisbiga balse dadkuunbuu sii jeclaysiinayaa xisbiga.
baaqan ama digniintan oo ay iska kashadeen tageerayaasha xisbiga ucid ee Canada gaar ahaan Ottawa waana kuwan magacdoodi hoos ku xardhan ……

1)Cabdilaahi Jaamac Cali
2Mohamed Ahmed (Maxamed Case)
3 Cabdirahmaan Mohamuud Faarax
4 Ahmed Cabdi Xaad (ahmed rashiid
5 cali ilkacase (cali waraabe)
6 Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Siidee)
7 Abdiqadir Muhumed Mah
8 Ibrahim Ali Osman
9 Kendiid Ali Hassan
10 cabdiqaadir sugule
11 mustafe xasan mohamed
12 cabdi jicsin

 

Comments are closed