Warqad Furan oo ku socota Golaha Wasiirada
Mudanayaal waxaan Media-ha dalka ka maqalnay inaad samaynaysaan saddex cisho oo xog waraysi iyo wada tashi ah, oo ku saabsan xaalada Dalka & wax qabadka wasaradihiina.
Haddaba aniga oo ah Muwaadin reer Somaliland ah, waxaan doonayaa inaan idiin iftiimiyo inaad ku darsataan qorshahiina haddii ay idiin noqoto Fikirkan oo ah mid ay dad badani qabaan, Caqliguna idinka oo kaliya kuma jiree dadka ayuu ku jiraa, markaa waxaan jecelahay arimaha hoos ku qoran inaad hoos u eegtaan.
1. Agaasimayaasha Guud waxaa lagu xulaa aqoon iyo waayo aragnimo, intooda badan waxaad moodaa raga hada jooga, qaarkood inaanay waligood shaqayn, aqoon & waayo aragnimo aanay lahayn, markaa waa in si shaqadu u wanaagsanaato meel kasta lageeyo qofka ku haboon iyadoo aan laga tagin isku dheeli tirka beelaha degen dalka. Waxaan taa ugu jeedaa Wasiirka ayaa ah nin Siyaasi ah, balse waa inuu Agaasimuhu noqdaa nin Xirfadle ah (Professional) kaas ayaana ah Mishiinka shaqada wadda.
2. Waa in Wasaarad walba ay lahataa Mandate shaqo oo ayka duwan tahay shaqada ay qabanayso qarranka JSL wasaarado yar oo kooban baa hadda sameeyay shaqada iyo siyaasada guud ee ay leeyihiin waxaanad moodaa in Wasaarado badani hada shaqadoodu is galayaan. Tusaale ahaan Wasaaradaha Hawlaha Guud & Tamartu way is galayaan oo wax badan ayaan kala cadayn doorka ay ku lee yihiin Tamarta. Sidoo kale waxaa iyana is gala Wasaarada Arimaha Gudaha & Dibada iyo kuwo kale oo badan. Waxaa kale oo jirta in Wasiir uu ka hadlo wasiir kale shaqadiisa.
3. Sidoo kale Saacadaha Shaqo ee aad dalka u shaqaysaan ma sugna, intii loogu talo galayna aad iyo aad ayay ugu yar tahay.
4. Shaqada hantidhawraha guud wuxuu u shaqeeyeeyaa qaabkii dawladihii hore oo ah baadhis aan lahayn sixitaan iyo toosin, waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo qaabka shaqada oo wax weyn laga badalo qaabkan hadda shaqadu ku socoto dhalinyarada jaamacadaha oo ah maskax iyo aqoon cusub na waa in laga faa’iidaystaa
5. Haay’adaha madaxa banaan oo ah meel qof kaliyii maamulo oo aan cidna daba galin waxaa loo baahan yahay in qaab dhismeedkooda iyo sida ay u shaqaynayaanba si cad loo qeexo
6. Guddiga Qandaraasyada Qarranka, maadaama oo aan dawladu ahayn meesha loo shaqo tago dalkana ay ka jiraan Shirkaddo badan oo dalka hawlo badan ka qabta sannadkiina lacag ka badan toban million oo dollar ayay dawladu galisaa wax lasoo iibsado iyo wax la dhisaba, kaaga sii darane qandaraasyada 60% waxaa lagu bixiyaa qaab hoose oo nin jeclaysi, saaxiibtinimo, qaraabo kiil IWM ku jiraan, sidaadaraadeed waxaa fiican in loo sinaado oo cadaalada la dhawro si ay u shaqeeyaan gudigga qandaraasyada qarranku.
7. Waxaad moodaa in Dawladu hadda u socoto qaab ah decentralization to centralization oo ah qaab awoodu kusoo ururayso meel kaliya halkii loo baahnaa in maamulka hoos loo daadejiyo.
8. Badhasaabada Gobollada oo mid walba la geeyo gobolkiisa maadaama oo uu badhasaabku ka wakiil yahay dawlada dhexe waxay ku fiican tahay in gobol walba la geeyo qof aan gobolkaas u dhalan taasi waxay keenaysaa in dadka gobolkaasi u sinaadaan qofka dawladu usoo magacawday dawladu waxay helaysaa war bixin badan oo la xidhiidha gobolkaas Waxaa ka wakiil ah dadweynaha maayarada lasoo doortay.
9. Waxaa fiican in aad isweydiisaan barnaamijkii xisbiga KULMIYE wixii ka fulay waxaana hadda cad wareegtooyin madaxtooyada kasoo baxaya oo qaarkood ay burinayaan barnaamijkii xisbiga KULMIYE.
10. Adeegyada aas-aasiga ah ee dadku u baahan yihiin waxaa ku qornayd barnaamijka xisbiga KULMIYE in uu noqdo waxa loo yaqaan three PPP (Private, Public Participatory) oo ah qaab dawlada iyo dadweynuhu ka wada qayb qaataan haddii la bedelayo waxay ahayd in laga galo wada tashi guud oo laga hadlayo waxa isbedelay iyo sobobta keentay labadaba taasoo markaa aas-aas u noqonaysa isbedelkii.
11. Beryahan dambe waxaa madaxtooyada kasoo baxaya wareegtooyin kuwaas oo inta badan ahaa wareegtooyin ku haboonaa waxa ay ka hadlayaan marka laga reebo wareegtada lagu baabiiyay Somaliland Road Authority (SRA) iyo ROSAB iyadoo loo bixiyay magac kale oo layidhaa Somaliland Road Development Network lana hoos geeyay Wasaarada Madaxtooyada. Hay’adani wadooyinka ee la hoos geeyay wasaarada madaxtooyadu baadina uma aha, haayadani SRA markii la dhisayay waxay ahayd nooc model ah oo Africa iyo dalalka soo koraya laga fuliyay Somaliland na waxay ahayd dalkii shan iyo tobnaad ee yeesha haayad noocan oo kale ah taladana waxaa qayb laga siiyay dadweynaha oo ka koobnaa gadiidlaydaa, ganacsatada waxayna line minister u ahayd oo wada shaqayni ka dhexaysay wasaarada hawlaha guud waxayna ahayd haayadaaha sida fiican u shaqeeyay ilaa iyo intii la sameeyay taladeeda iyo dhisideeda inta badan waxaa lahaa European Commission (EC) sidaadaraadeed wareegtadan lagu baabiiyay SRA wuxuu niyad jabinayaa deeqihii dibada iyo gudahaba uga iman jiray waa in arrintan dib u eegis ku samaysaan intaad shirkan ku jirtaan (waxa ka shaqaynayey 50 qof oo mushaar fiican ka qadanayey).
12. Waxaa la qirayaa in mudadii dawladu jirtay wax badan la qabtay oo runtii muddo toban sanno ah la qaban kari waayay lama soo koobi karo wax qabadka laakiin sida aad umada Somaliland uga iibinaysaan waxqabadkiina ayaad agnaan ka tihiin
Fiiro Gaar ah: Qoddobadani Aniga waa iga Talo bixin Muwaadinnimo, Haddii aad qaadanysaan iyo haddii kaleba.
Wa Billaahi Towfiiq
Eng. Cabdiraxmaan Cali