|

Hargeysa: Jaamacadda Admas oo Qayb Cusub ka Furtay Degmada Maxmuud Haybe

Hargeysa Oct 07,2012(sdn/Hubaal ) Jaamacadda Adams, ayaa xarun cusub ka furatay shalay degmada Maxamuud Haybe, gaar ahaan xaafadda Star ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyey furitaanka qaybta 2aad ee Jaamacadda Admas oo laga leeyahay dalka Itoobiya ka furatay shalay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay salaadiin, aqoonyahanno, maamulka jaamacaddaas iyo marti-sharaf kale.

Gudoomiyaha Guddida Jaamacadda Admas  Mr. Axmed Daahir Cadnaan oo ugu horreyn munaasibaddaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey culuunta kala duwan ee lagu baran doono xarunta cusub ee jaamacaddiisu ka furatay degmada Maxamuud Haybe.

“Waxa guul noo ah sidii Admas lagu yaqaanay  ee iyadoo ah jaamacaddii ugu horreysay ajnebi ah ee dalkeena ka shaqaysa inay noqoto jaamacadda ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika, waxana sharaf gaar ah noo ah in aannu qaybtii labaad ee jaamacadda ka furno xaafaddan, taasoo ujeeddada aannu ka leenahay tahay inay da’yarta ku dhaqan degmada Maxamuud Haybe xaafadooda ka helaan waxbarashada iyo culuunta kala duwan ee jaamacaddu bixiso, waayo arday badan oo xaafaddan deggan ayaa dhigta Jaamacadda Admas, sidaa awgeed, waxaannu garanay in aannu ardayda ka baajino labada bas ee ay u raaci jireen xarunta xaafadda Jigjiga-yar.

Waxa kaloon ugu bushaaraynayaa ardayda in qaybta aannu xaafaddan ka furnay uu dheer yahay faracyada kale ee jaamacaddu ku leedahay magaalada Hargeysa oo aannu ku soo kordhinay waxbarasho loogu talogalay dadka waaweyn iyo qaybta luqadaha,” ayuu yidhi Mr. Cadnaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir, ayaa isaguna si weyn u soo dhoweeyey faraca cusub ee Jaamacadda Admas ku yeelatay degmada Maxamuud Haybe, taasoo uu xusay inay tahay mid da’yarta xaafaddaasi baahi weyn u qabeen, isagoo ballanqaaday inay gacan weyn siin doonaan jaamacaddaas. Waxa kale oo halkaasi ka hadalay Suldaan Aadan Faarax oo soo dhaweeyey  qaybatan Cusub ee Admas bushada ku dhaqan Degmada maxmuud haybena kula dardaar may inay ka faaiidayistaan waxaa kale

Oo halkaa ka hadlay maareeyahay Hayada Korantada Wali Axmed xaawa

Oo sheegay inuu ka mid noqon doono Ardayida ka faaiidaysan doonta Qaybtan Cusub ee Jamacada Adma.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed