|

Somaliland: Gobol Koobsaday Dhacdooyin Kala Duwan oo Lidi ku ah Dhismaha Qaranka

Caynabo Oct 07,2012(SDN/Hubaal)- Guddoomiyaha gobolka Saraar Ibraahin Xasan Maxamuud ayaa bilihii u dambeeyay socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa kadib markii la sheegay inuu Khilaaf soo jiitamayay ka dhexeeyo isaga iyo ku xigeenkiisa.

Safarka guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa la sheegay inuu la xidhiidho tabasho ka dhan ah ku xigeenkiisa oo la sheegay inuu u gudbiyay Madatooyada.

Dhinaca kale  Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Saraar Jamaal Cabdi Jaamac ayaa  sii daayay baabuur  uu saarnaa  raashin oo dorraad saraakiisha Kastamka Caynab ku qabteen magaaladaasi si loo cashuuro balse  dhuumasho ku baxsaday laguna soo qabtay isaga oo Maraya Deegaanka Beer ee gobolka Togdheer.

Sida uu ku soo warramayo weriyaha wargeyska Hubaal ee gobolka Saraar Taliyaha Booliska ee gobolkaas ayaa la sheegay in Amarka uu ku sii daayay baabuurkaas uu ku bedeshay lacag laaluush ah oo ay siiyeen masuuliyiintii Baabuurku u rarnaa, waxa la sheegay in sii dayntiisa ay ka cadhoodeen maamulka kastamka Caynabo isla markaana ka dacweeyeen Golaha deegaanka ee magaaladaas.

Geesta kalena Maayor ku xigeenka degmadda Caynabo Abokor Shide Cali ayaan illaa hadda iska casilin xilkii uu hayay isaga oo ah murrashax u tartamaya doorashada golaha deegaanka ee degmada Caynabo  isaga oo ka sharraxan urur Siyaasadeedka WADANI.

Maayor ku xigeenka Caynabo ayaa la sheegay inuu waqtigan olole xoogan ku jiro isaga oo adeegsanaya hantidii umadda iyo khasnadii Maamulkaba.  Wararka aanu weriyahaga Saraar ka helayno ayaa waxa kale oo kamid ah in Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Caynabo uu haatan bilaabay kireynta Baabuurtii Iska rogooyinka ahaa ee qashinka ka gurayay magaalada Caynabo. Maayarkii  degmadda Oog ee gobolka Saraar Mr. Afrikaacn Cabdisalaan ayaa muddo 20 cisho ah sifo sharci darro ah ugu xidhan xabsiga Ceerigaabo iyada oo amarka xadhigiisana uu bixiyay wasiirka duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee wasiirku u xidhay Maayarka Oog. Arrimaha kale ee xusida mudan waxa kamid ah in Siyaasiyiin iyo masuuliyiin u dhashay deegaanka Saraar ay waqti xaadirkan diyaar garaw ugu jiraan sidii ay ugu kicitimi lahaayeen magaalada Muqdisho ee Soomaaliya halkaas oo looga gacan haadinayo xilal loo ballan qaaday in looga magacaabayo xukuumadda federaalka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiintaas waxa kamid ah guddoomiyihii hore ee  gobolka Saraar Saleebaan Ducaale Xaaji, Maayorka degmadda War-idaad Cilmi Jaamac Cawad Cawad, Maayarka degmadda Dhanaano Maxamuud Furre iyo weliba masuuliyiin kale oo door ah. Waxa iyaguna jira masuuliyiin reer Saraar ah oo ka degay Muqdisho kuwaas oo ay kamid yihiin Isu duwihii wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Saraar Jaamac Waqandhe, Isu duwihii Ciyaaraha Xamse Jaamac Cabdillaahi, isu duwihii beeraha Faysal Famle iyo xubno kale.

 

SDN-Caynabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed