Masuuliyiinta Dawladda Kaga Jira Gabiley oo Carraabe Loogu Diray Dejinta Gadoodkii Shalay iyo Tabashooyinka Is Biirsaday ee Deegaankaas
Hargeysa Oct 07,2012(SDN/Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa xubnaha Golaha wasiirrada iyo Aqalka Wakiillada kaga Jira gobolka Gabiley u dirtay dejinta xiisadda ka dhalatay rabshadihii shalay ay iskaga hor yimaadeen ardayda magaaladaasi iyo Ciidammada ammaanku. Wasiirrada Warfaafinta iyo Maalliyada Abiib Diiriye Nuur iyo Cabdicasiis MAxamed Samaale oo ay weheliyaan xildhibaan Xasan Cawaale, Xil. Cabdilaahi Balaaki Xil. Ibraahin Kacaan ayaa shalay galab ka ambo baxay Magaalada Hargeysa iyaga oo shir Magaalada Gabiley kula yeeshay Maamulka heer gobol iyo degmo ee Gabiley. Warar wargeyska Hubaal Xalay ka helay Ujeedada socdaalka guddidaas ayaa tibaaxay in ay hor dhac u ahaayeen guddiyo madaxtooyadu u xil saartay tabashooyin soo noqnoqday oo dadka gobolkaasi muujinayeen, taasoo guddidanina ay cawayskiina xalay shir degdeg ah la galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, kuna qanciyeen inay is dejiyaan, wixii cabasho ah ee jirana la dhameeyo.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in waxgaradka gobolka Gabiley ooda ka qaadeen tabashooyin is biirsaday oo ay ugu dambaysay ujeedada keliftay rabshadihii shalay ka dhacay gobolkaas ee ardaydu kaga gadoodeen Dugsigooda albaabada loo laabay. Waxa kale oo shirka xalay masuuliyiinta xukuumadda ka socday loo xambaariyey farriin ay bulshada gobolkaasi ku socodsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo oo nuxurkeedu yahay abaal la’aan ay sheegeen in Md. Axmed Maxamed Maxamuud ku sameeyay gobolkii Codka ugu badan siiyay xilligii doorashada.
Kulanka xalay ayaa ku soo gebo gaboobay ballanqaad ay guddi Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka socday u sameeyeen reer Gabiley iyaga oo ku qanciyay in dejinta xiisada shalay dhacdayna ay dhamaynayaan dhinacooda, wixii kale ee Madaxweynaha ku xidhanna gaadhsiin doonaan.
Shirkaas ka dib ayaa guddida oo ay weheliyaan xubno kamid ah bulshada rayidka ahi waxa ay Maamulka gobolka ku qanciyeen in lasii daayo ardaydii shalay xabsiga la dhigay, kuwaas oo tiradoodu gaadhaysay 50 arday oo isugu jira 25 hablood iyo 25 wiil, hase yeeshee Masuuliyiinta Gabiley ayaa ku adkaystay inaan la sii daynayn ardaydaas oo ay ku eedeeyeen inay hormood u ahaayeen kacdoonkii shalay, balse guddida dawladda ayaa markii dambe ku guulaystay in 25 hablood oo kamid ah ardayda xidhnayd xabsiga laga sii daayo, inta kale ee hadhayna maanta xorriyadooda loo soo celin doono.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com