Puntland oo ilbaabada u laabtay Iddaacada Horseed ee Boosaaso
Bosaaso Oct 06,2012(SDN)-Maamulka Puntland ayaa maanta ilbaabad u laabay iddacad madax banaan oo ku taal magaalada Bosaaso oo la yidhaahdo Horseed.
Ma cada sababta uu maamulku u xidhay iddaacada balse waxa la sheegay in lagu xidhay amar ka soo baxay mid ka mida saraakiisha ciidan ee Puntland.
Agaasimaha Iddaacada Horseed Cabdiqani Dhagjar oo saxaafada kula hadlay Bosaaso ayaa xaqiijiyay in iddaacadii la xidhay.
Dhagjar waxa uu sheegay in maamulku sheegay in ay iddacadu baahisay warar khalkhal gelinaya Puntland.
Maamulka Puntland iyo Iddacada Horseed ayaa tiraba dhawr jeer isku dhacay sanadihii u danbeeyay.
Maamulka Iddaacada ayaa sheegay in ay Xukuumada uga fadhiyaan in ay soo cadeeyaan barnaamijka sababay xiridooda.
SDN-Bosaaso
contact@somalidiasporanews.com