|

Ciidamo ay CIAda Mareykanku Puntland u tababreen oo walaac laga muujiyay

New York Oct 06,2012(SDN)-Ciidamo tiradooda lagu sheegay ilaa 500 oo askari oo ay tabar u fidiyeen kooxo xiriir dhaw la leh sirdoonka Mareykanka ee CIAda oo ku sugan Puntaland ayaa walaac laga qabaa halka ay ku danbeyn doonaan,sidaa waxa daabacday jariirada New York Times.

Ciidamaan oo kolkii hore CIAdu ugu talo gashay in ay la dagaalamaan burcad badeeda Somaalida ayaa haatan aan heyn wax hawl ah ka dib kolkii ay Puntland isaga baxeen shirkado qandarssyo ku heystay tababradooda.

Shirkada Blackwater oo qandaraaskan heysatay ayaa waxa hawlgeliyay shirkad kale oo xarunteedu tahay Dubai oo la yidhaahdo Sterling Corporate Services oo xiriir dhaw la leh CIAda Mareykanka.

Blackwater ayaa tababrada ciidamada Puntland u xilsaartay kooxo calooshooda u shqeysteyaal ah oo u dhashay dalka Koonfur Africa,sida warbixinta lagu sheegay.

Ciidamadan loo tababaray in ay burcada la dagaalamaan ayaa haatan camal la’aan u jooga xeryo hore loogu tababrijiray ka dib kolkii kooxdii tababreysay ay si degdega Puntland uga baxday,ka dib kolkii mid ka mida lagu dilay aaga qardho,dilka ayaa waxaa geystay mid ka mida askartii Puntland loo tababarayay.

Warbixintan ay daabacday New York Times ayaa sheegtay in ciidamada ay CIAdu tababrtay ayaa xiriir dhaw la leh sirdoonka Puntland oo hoostaga madaxweynaha Puntland.

Warbixintu waxa ay walaac ka bixisay halka ay ku danbeyn karaan ciidamadan bilaa mushahaka ah ee ku hubeysan qalabka casirga,waxaana dhici karta ayay warbixintu leedahay in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed