Qarax Laascaanood xalay ruxay oo xog kala duwani ay ka soo baxayaan
Laascaanood Oct06,2012(SDN)-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay waxa ka ruxay qaraxyo isxigay oo ay xogo is qilaafaya ay ka soo baxayaan.
Abaarihii salaadii Cishaha ka dib ayaa waxa magaalada laga dareemay gariir ka dhashay laba qarax.
Hadaba xogo kala duwan oo ka soo baxaya qaraxyada ayaa tibaaxaya in lala beegsaday goob lagu caweeyo oo meherada in lala beegsaday.
Halka xog kalena ay tibaaxeyso in lala beegsaday bar ama xarun ay ciidamada Booliiska ee magaalada Laascaanood.
Ciidamada Amaanka ee degmada Laascaanood ayaa buux dhaafiyay magaalada qaraxyada ka dib waxaana la arkayay iyaga oo baaritaano sameynaya.
Khasaaraha ka dhashay qaraxyadan ayaan la shaacin ilaa iyo haatan,lamana garanayo cida ka danbeysay.
Maamulka Gobolka iyo ka degmada Laascaanood ayaan ka hadal qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.
Magaalada Laascaanood ayaan bilihii u danbeeyay wax qaraxyo ahi aaney ka dhicin.
SDN-Laascaanood
contact@somalidiasporanews.com