Maxkamadii Mareykanka ee dhegeysanaysay dacwad la xiriirta cida Soomaaliya geysay Dhalin Shabaabka ku biirtay oo markhaatiyo dhegeysatay
Minneapolis Oct 05,2012(SDN)-Maxkamad ka socota magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo dhegeysaneysay Dacwad lagu soo oogay nin loo heysto in uu lacag siiyay mid ama laba ka mida 20kii dhalinyaro ee magaaladaa ka tegay ee Shabaabka ku biiray.
Maxamuud Siciid Cumar ayaa waxa ku markhaati furay mid ka mida ilaa todobo ruux oo qirtay in ay lug ku lahaayeen gacan siinta Shabaabka iyo ka hawlgalka in dhalinta Soomaaliyeed ay u dagaalamaan Shabaabka.
Dawlada Mareykanka ayaa sandii 2008dii ku biirisay kooxda Al Shabaab diiwaanka kooxaha iyo ururada Argegixisada,taas oo la macaamilkooda ka dhigeysa denbi.
Cabdifitaax Yuusuf Ciise oo ka mid ahaa dhalintii tagtay Soomaaliya ee ku biirtay Shabaabka oo dib ugu noqday Mareykanka ayaa ku markhaati furay eedeysanaha in uu lacag siiyay labo ka mida dhalintii tagtay Soomaaliya.
“Makhaaxi ku taal minneapolis ayaanu fadhinay markuu Maxamuud soo saaray lacag boqolaal aheyd oo cadadkeeduna ahaa ilaa $500 oo dollar” ayuu yiri Cabdifetaax.
Cadifataax oo qudhiisa tegay Soomaaliya kuna biiray shabaabka ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in ay “Jihaad” ku qaadaan ciidamadii Itoobiya ee galay Soomaaliya.
“Waxaan ahaa ardey kolkaa uun dhameystay Kuliyad,bilaa camal ahaa,ka dibna waxaanu ingoo dhawr ah ka wadahadalanay in aanu dalkii u Jihaad tagno si aanu Itoobiyaanka uga saaro,kolkaan Soomaaliya tegayna waxa la ii diray hawl u badneyd xamaal,oo dhir jaridi ay u badneyd,ka dibna waan isaga soo noqday”ayuu maxkamada ka hor sheegay Cabdifitaax oo hore qudhiisa u qirtay denbiga ku biirida Shabaabka suganaya in maxkamadu mudeyso mudada uu xabsiga ku jiri doono.
Qareenada Maxamuud Siciid Cumar ayaa ku doodaya in eedeysanuhu aanu laheyn hanti iyo garaad uu ku abaabulo qorshe noocana.
Maxamuud ayaa u shqeynayay Masjidka Abubakar Sadiiq ee Minneapolis oo uu nadaafada u qaabilsanaa,Mushaharadiisa ayaa aheyd uun $800 bil walba.
Masjidkaa ayaa ahaa halka ay qorshaha tegida Soomaaliya ku dejiyeen dhalintii tagtay iyo intii gacanta siisayba.
Cabdifataax Yuusuf Ciise ayaa maxkamada ka hor sheegay in masuuliyiinta Masjidku in aaney la socon qorshahooda oo ay cidwalba ka qariyeen.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu wadaa in ay u yeerto dhawr markhaati oo kale maalmaha soo socda.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com