Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhaqan geliyay xeerka Baananka Islamka,sadex waaxoodna wasaarado u kala bedelay
Hargeysa Oct 04,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo xeerka Baananka ee ay gollaha wakiiladu ansixiyeen,wareegtadu waxa ay u qorneyd sidan;”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo adeegsanaya awoodihiisa dastuuriga ah waxa uu soo saaray Xeer Madaxwyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1364/102012, oo uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Baananka Islaamiga ah Xeer Lr. 55/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland”.
Sidoo kale Madxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu soo saaray wareegto sadex waxood loogu kala bedelay wasaarado ay hoos tegi jireen.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1368/102012 oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey saddex waaxood oo ka kala tirsanaa saddex wasaaradood, haatana laga bedelay oo wasaarado kale la hoos geeyey. Madaxweynuhu:- Markuu arkay; Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu arkay; In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha horumarineed ee Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dalka, Markuu tixgeliyey; Talooyinkii Mas’uuliyiinta kala duwan, Wuxuu soo saaray Xeerkan
1. Hay’adda sama-falka Madaxtooyadda waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta.
2. Waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa la-hoosgeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhayo Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
3. Waaxda Dhaqanka oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha , waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi Gelinta oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhi doono Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.”
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com