Puntland ooMareykanka u dirtay Fariin ka dhan ah Iddaacada VOAda
Garoowe Oct 03,2012(SDN)-War saxaafada loogu talo galay oo ay soo saartay wasaarada warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in dawlada Mareykanku la socod ku sameyso Iddaacada VOAda laanteeda afka Soomaaliga.
Puntland ayaa dhibsatay wareysi dhawaan lala yeeshay mid ka midaqurbejooga reer Puntland oo Mareykanka ku nool,warsaxaafadeedak ayaa sidan u dhignaa;
“Dowladda Puntland waxay mas’uuliyad Qaran ka saarantahay dhowrida Dastuurka Puntland iyo ilaalinta danaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dadka iyo dalka Puntland, taasoo ay ku jirto in saxaafaddu si xor ah u howlgasho iyagoo dhowrayaa shuruucda dalka.
Hadaba, Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Puntland waxay si toos ah isha ugu haysaa saxaafada qaarkeed oo caadaysatay inay ciladeeyaan horumarka Puntland, kuwasoo shacabka Puntland u gudbiya warar ku salaysan been abuur, kicin bulsho iyo abuurida jawi lagu carqaladeynayo horumarka Puntland.
Tusaale ahaan, VOA-da Qeybta af-Soomaaligu ayaa maanta [29 September 2012] waraysi ka qaaday isagoo jooga dalka Maraykanka shaqsi loogu yeero “Gablax” iyagoo ku tilmaamay Siyaasi ka soo jeeda gobollada Puntland.
Gablax ayaan ahayn shaqsi taariikh siyaasadeed ku leh Puntland, balse horay loogu tuhunsanaa inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad-badeedka ee ka howlgali jiray deegaanka Garacad ee Puntland iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna deegaanka ka tagay xilli ay ciidamada Dowladda Puntland howlgalo sifeyn ah ka bilaabayeen magaalada Galkacyo.
Waxaa nasiib darro ah in VOA-da Qeybta af-Soomaaligu ay waraysigii ay maanta [29 September 2012] la yeesheen Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ku xijiyeen shaqsigaas kor ku xusan, iyadoo Gudoomiyahu uu leeyahay sumcad siyaasadeed heer Puntland iyo heer caalami intaba, hormuudna ka yahay geedi socodka dimuqraadiyenta gobollada iyo degmooyinka Puntland.
Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka inay fiiro gaar ah u yeelato carqalada idaacadda VOA-da Qeybta af-Soomaaligu ay ku hayso nabada iyo geedi socodka dimuqraadiyenta ka socota Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya”.