|

Nasiibkaaga Tijaabi oo hel sharciga Mareykanka(HALKAN KA BUUXI DALABKA)

Washington Oct 03,2012(SDN)-Mashruuc ay fuliso wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka oo fursad loogu siyo qowmiyadaha aan Mareykanka ku badneyn ayaa biloowday.

Bakhtiyaa-nasiibkan ayaa waxa dalbada malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha dunida sanad walba.

Mashruucan oo looga gol leeyahay in lagu badhxo mujtamica Mareykanka si loo helo bulsho ka kooban dadka koonkan ku nool ayaa fursad u noqday dad faro badan.

Dalalkan aan sanadkan ka qeyb qaadan kareyn tartanka waxa ay kal yihiin Bangladesh, Brazil, Canada, China, Columbia, Haiti, Mexico, Pakistan, the Philippines iyo Vietnam.

Tartankan ayaa lagu soo xuli doonaa 55 kun oo ruux sanadkan oo dalabaad ku soo gudbin doona Internetka.

Dalabka shalay furmay ayaa ah ka sanadka 2014,iyada 2012 iyo 2013ba hore loo soo bandhigay.

Karin King oo ah afhayeenka waaxda qusuliyadaha ee wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in wixii ka danbeeyay 2012kii dalabaadka lagu soo gudbin karo uun Internetka.

Karin King waxa ay ka digtay oo kale in laga digtoonaado in dadku ay maraan kooxo ka baayac mushtara buuxinta dalabaadka oo dadka ka qata lacago aan macquul aheyn kolka sharcigu u soo baxo.

bOOQO OO BUUXI DALABKA

www.dvlottery.state.gov.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed