|

Madaxweynaha Somaliland oo guddi heer qaran ah u saaray qabanqaabada aaska marxuum Abwaan Gaariye

Hargeysa 02, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi qabanqaabo u magacaabay aaska marxuum abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo habeen hore ku geeriyooday dalka Norway.

Madaxweynuhu waxa uu qoraal uu soosaaray ku magacaabay guddi qabanqaabo oo 10 xubnood ka kooban, kuwaasoo isugu jira wasiiro, maayarka caasimadda Hargeysa, xildhibaano, abwaano iyo xubno kale, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Gudi heer qaran ah ka kooban 10 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Aqoon yahano iyo Maayarka Caasimada Hargeysa u magacaabay inay noqdaan Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaana Gudoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane, Abiib  Diiriye Nuur (Abiib Timacad)

Gudigaasina waxay kala yihin:-

Ku:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta        Guddoomiye        Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada                 Xubin                            Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Duulista  Hawada   Xubin                          Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga                     Xubin                          Hargeysa

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga                   Xubin                          Hargeysa

Ku:      Maayarka Caasimadda Hargeysa                            Xubin                          Hargeysa

Ku:      Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye                       Xubin                          Hargeysa

Ku:      Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa                     Xubin                          Hargeysa

Ku:      Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi                  Xubin                          Hargeysa

Ku:      Abwaan xasan Ganay                                                Xubin                          Hargeysa

 

Ujeedo:           Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye

Mudanayaal,

Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunkan.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed