|

Maxkamad maanta ka bilaabatay Minnesota oo sawir ka bixin doonta sida dhalinyaro Soomaalieed ay magaaladaa uga tageen oo shababka ugu biireen

Minnesota Oct 01,2012(SDN)-Waxa maanta magaalada Minneapolis ka furmaya dhegeysiga maxkamada nin loo heysto in uu gaca ka geystay kicinta iyo kaxeyntii qaar ka mida dhalainyaradii Soomaalida ee magaaladaa ka tagay isla markaana ku biiray kooxda Al Shabaab.

Eedeysane Maxamuud Saciid Omar oo 46 jir ah ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo la xiriirinaya in uu lug ku lahaa dhalin u qorida kooxda Al Shabaab.

Kolka laga soo bilaabo sanadii 2007dii ilaa 20 dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka tegay Minnesota oo ku biiray Shabaabka si ay uga qeybqaataan Jihaadka kooxdaasi ku baaqday.

Denbi oogeyaasha Mareykanka ayaan qabin in qorshaha dhalinta lagu kexeeyay aanu leheyn ama aanu ka danbeyn eedeysane Maxamuud balse uu lug ku lahaa gacan qabadka raga qaar.

Eedeysanaha ayaa u socdaalay Soomaaliya isla markaana lacago ku bixiyay iibka hub dhalinta qaar ay ku dagaal galeen,sida lagu xusay dacwada lagu soo oogay.

Jeanne Cooney oo ah haweeneyda afhayeenka u ah xafiiska xeerilaaliyaha ayaa sheegtay in dhegeysiga dacwadani ay tahay mid muhiimadeeda leh.

“Waxaanu qabnaa in dacwwadani ay tahay muhiim bacdamaa ay tahay fursada qura ee ay dawladu heysato si ay dadka ugu sharaxdo waxa ka dhex socda bulshada Soomaalida,iyo sida raga dhalintan qoray shabaabku ay u shaqeeynayeen”ayay tiri Jeanne Cooney.

Mid ka mida qareenada eedeysane Maxamuud Sicid oo la yidhaahdo Jon Hopeman ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan xog muujineysa in eedeysanuhu aanu wax luga ku leheyn argegixisonimo.

“Waxa uu ku adkeysanayaa(eedeysanaha) in aanu af iyo adinba uga hor iman danaha Mareykanka,sidoo kalena waxa uu ixtiraam u hayaa dalkan martigeliayay”ayuu yiri qareen Hopeman.

Eedeysanaha ayaa Mareykanka tegay sanadii 1993dii waxaanu ku adkeysanayaa in aanu denbiyada gelin,hadii lagu helo eedaha lagu soo oogay waxa uu ku muteysan karaa xabsi daaim.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed