|

GEFKII CIIDANKA CIRKU GALAY DAGAALKII 1977. QAYBTA II.

Sidii aan ugu soo tilmaamay maqaalkii kan ka horreeyey gefka 2aad ee maamul ahaan Ciidamada Qalabka sidaa ay galeen wuxuu ahaa qaladkii loo fahamay odhaahda “Ciidamada Cirka iyo kuwa Baddu waxay taakuleeyaan ciidanka dhulka.

Hadalka macnihiisa saxani waa labadaas ciddan waxay ciidamada u fududeeyaan in ay ka gacan sarreeyaan ciidamada cadawga.

Ma ka dhashay qaladka la fahmay?

Ciidanka cirka oo ku dagaal galay Mig 21 iyo mig 17 waxaa saldhig u ahayd Mig 21 Berbera, Mig 17-na Hargeysa. Markii uu dagaalku gaadhay Jigjiga iyo Dirir Dhaba waxay dayuuradaha dagaalka ee Itoobiya ka soo kacayeen Dirir Dhaba oo aad ugu dhow safka hore ee dagaalka labada ciidan. Markii ay dayuuradaha dagaalka ee Itoobiya duqayn ku bilaabaan ciidamada Soomaaliyeed ayaa Taliyaha ciidankaasi soo dalban jiray dayuurado. Markaas ayaa la amri jira Mig 21 markii ay ka soo kacdo Berbera ilaa ay ka tagto goobaha dagaalka dayuuradaha cadawgu garaac ayay ku wadayeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Markii ay soo dhowaadaan kuwa Soomaalidu ayay ka tegi jireen kuna degi jireen Dirir Dhaba.

Markii ay soo hungoobaan ayay dib ugu soo laaban jireen Berbera. Markii ay sii degayaan ayay soo kici jireen kuwii Itoobiya markaas ayay garaac ku bilaabi jireen ciidankeenna.

Arrintaas foosha xun waxaa u sabab ah hadalkaas qaladka loo fahmay. Haddii la is dhaho wax ha la saxo waxaa la eegayey ruuxa sixitaanka ku helaya sharafka qabiilkiisa haddii uu yahay qabiilada loo yiqiin Kacaan diidka lagama akhrisan jirin in ay wax saxaan si aanay magac ugu yeelan. Isaguna markii uu arkay in aan waxba laga akhrisanayn wuu iska gaabsan jiray.

Duuliye Itoobiyaan ah oo aan ku waraystay Xabiska dhexe ee Muqdisho wuxuu nagu yidhi duuliyeyaasha Mig 17 waa niman qatar ah oo wax yaqaan laakiin Mig 21 wax ay yihiin ma jirto. Wuxuu igu dhahay Mig21 waanu ka cabsan jirnay laakiin markii dambe annaga ayaa isku qabsan jirnay aniga ayaa soo ridaya ee ha la ii daayo iyo aniga ha la ii daayo.

Waan ogaa in ay runtiis tahay waayo duuliyeyaashu waxay ahaayeen xiddigleyaal dagaalka la kowsaday oo aan wax kale iska dhaafe aan weligood xabada ka ridin dayuuradda.

Waddanka waxaa ka talinayey keligii taliye markaas ayaa taliye waliba meesha uu xukumo ka noqday keli taliye.

Raadarka Ciidanka Cirka ee Hargeysa wuxuu aragga ka bilaabayey 60o. Sidaas darteed waxay dayuuradda cadawgu ku duuli kartay inta uu raadaarku wax ka arkayo ka hoose markaas ayaa lagu hambaberayey markii ay dul timaaddo garoonka dayuuradaha. Raadaarka cadawguna wuxuu dayuuradaha ka qabanayey markii ay 100m dhulka ka kacdo waayo wuxuu saarnaa buurta Kaara Mardh, meesha uu keennu ku jiray god hoose.

Waxay ahayd in ciidanka cirka la siiyo waajib dagaal iyaga ayaa markaas qorshaysan lahaa sida ay u hawl gelayaan, waxayna ka ansixinayaan wasaaradda Gaashaan dhigga.

Wuxuu ciidanka cirku isaga oo ku talo gelaya awooddiisa ciidaneed iyo nooca dayuuradaha ee uu haysto uu ka hawlgelayaa:

  1. Raca hore dagaalka isaga oo burburinaya hubka culus ee cadawga hubka difaaca cirka iyo hubka ciidanka lugtaha lagu xasuuqo.
  2. Qaybta kale waxay ugaadhasanaysaa sahayda dhulka ee ku soo socota jiidaha hore ee dagaalka
  3. Qayb kale waxay dagaal cirka kula gelaysaa dayuuradaha cadawga ee hawada ku jira
  4. Qayb kale waxay duqayn u geysanaysaa garoomada ay ka soo duulayaan dayuuraduhu iyo kaydka hubka iyo shidaalka
  5. Qayb kale waxaa loo dirayaa in ay duqayso dekadada sahaydu uga soo degto
  6. Iwm

Markii ay dayuuraduhu intaas qabtaan ciidanka cirku wuxuu ku gacan sarraynayaa cirka sidaas darteed si xor ah ayay u garaacayaan ciidamada cadawga, markaas ayuu ciidankaaga dhul qabsan karaa kana adkaan karaa cadawga.

Sidaas ayuu ciidanka cirku u yahay ciidan taakulayn ee ma aha in taliyaha ciidanka dhulku markii uu doono isagu u yeedhto. Hawlgaladaas oo dhan ciidanka cirku si xor ah ayuu u fulinayaa.

Waxaa intaas dheeraa duuliyeyaashu ma heli jirin tababarro kor loogu qaadayo xifadda dagaalka iyo duulimaadka toona.

Matal:

Sarkaal duuliyaha ayaa kacay waxaa la siiyey jahadii iyo jidkii uu soo mari lahaa ilaa uu dib ugu soo laabto saldhiggii uu ka kacay. Wuxuu sarkaalku markiiba qalday jahadii uu u kacay, markaas ayaa waxaa wada qaldamay intii leexidimaad ee uu sameeyey. Markaas ayaa waxaa dhacday in meeshii uu dhanka Kismaayo ka aadi lahaa uu ka aaday dhanka Garoowe. Hoggaamiyihii dhulkuna wuxuu u jeedaa dayuurad xumuul ah oo Ruus lee yahay oo Soomaaliya imaan jirtay. Mar kasta wuxuu duuliyaha u sheegayey waad saxan tahay ee soo soco markii ay dayuuraddii Ruushku Muqdisho dul maraysay ayuu dhahay waa joogtaa markaas ayuu duuliyihii wuxuu dhahay ma joogo meel aan joogana ma ganayo.

Waxaa la diray laba dayuuradood oo doona waxay ka dooneen dhanka Kismaayo oo la filayey in uu ku maqan yahay, wuxuu soo sheegay in shidaalkii ka dhammaaday markaas ayaa loo ogolaaday in uu ka boodo, wuxuu ku dhacay meel Gaalkacayo baadiyaheeda ah. Tusaalooyin noocaas ah oo tiro badan ayaa ciidanka cirka ku dhacay, waxaana u ahaa sabab dawladda oo aan u quudhin in duuliyeyaasha wax la baro si u hantaan difaaca dalka.

 

G/le Sare Omer Suleiman Ali Shalaqo

Comments are closed