WAR DEG DEGA:AMISOM oo Kismaayo Gashay iyo dagaalka oo haatan ka socda Xeebta Kismaayo
Kismaayo Sept 28,2012(SDN)-Ciidamada Amisom oo ay weheliyaan kuwa dawlada iyo Raaskaanbooni ayaa maanta guddaha u soo galay magaalada Kismaayo oo ay mudo dheer duulaan ku ahaayeen.
Dagaalka ayaa haatan ka socda aaga xeebta ah ee magaalada Kismaayo,guddaha magaalada ayaa weli waxa gacanta ku haya kooxda Shabaab.
Afhayeenka ciidamada Kiinya Cyrus Oguna ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay haatan gacanta ku hayaan magaalada oo aaney kala kulmin wax dagaala.
Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay galeen magaalada Kismaayo xalay saqdii dhexe.
“Ciidamadeenu waxa ay galeen xalay saqdii dhexe,ma hayo khasaaraha dhabta ah ee daaalku sababay waanse qabanay Kismaayo inaga oo adeegsaneyna ciidamadayada dhulka iyo cirkaba”ayuu yidhi Cyrus Oguna.
Madaxa Shabaabka Kismaayo Sheekh Maxamuud Abu Fdumo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaay sheegashada Kiinya.
“Cadawgu waxa uu magaalada xeebteeda doomo ku keenay boqolaal ciidan ah,mujaahidiinta ayaana dagaal kala hortagay”ayuu yiri Abu Faadumo.
Madaxa Shabaabka Kismaayo ayaa intaa ku daray in ciiidamada Kiinya ay haatan ku sugan yihiin meel xeebta ah oo magaalada u jirta 9KM.
Dad ku sugan guddaha magaalada ayaa qiray in ciidamada Kiinya aaney weli soo gelin guddaha magaalada Kismayo.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com