|

Tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo lagu dhawaaqay, yaa ka qaybgalaya, halkeese lagu qabanayaa?

Hargeysa 27, September 2012 (SDN)- Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday xilliga la qaban doono tartanka ciyaaraha gobollada ee dalka.

Wasiirka wasaaraddaas Mr. Cali Siciid Raygal oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha gobollada loo muddeeyay 15 December 2012, isla markaana ay ka qaybgali doonaan 13 gobol oo isugu jira lixda gobol ee hore iyo 7 uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin uu sameeyay 2009. “Waxaanu maanta oo bishu tahay Khamiis, 27/09/2012, aanu halkan kaga dhawaqaynaa ciyaarihii gobolada oo sanadle ah, kuwaasoo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu jira ajandayaasha waxqabad ee sanadlaha ah. Sidaas darteed, waxaanu halkan ku xaqiijinaynaa in ciyaaraha gobollada la qaban doono 15 December 2012 oo ku beegan maalin Sabti ah, kuwaasoo ka furmi doona garoonka Hargeysa Stadium,” ayuu yidhi.

Mr. Cali Siciid Raygal, waxa dadweynaha caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan martigelinta ciyaarahaas, iyadoo sannadkii 2011 lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. “Ciyaaraha gobolada sanadkan waxa ka qaybgali doona sadexyo toban gobol (13), waxaana nasiib u yeeshay sanadkan in lagu qabto ciyaaraha gobolada Caasimadda Hargeysa, shacabka reer Hargeysana waxa looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan martigelinta ciyaaraha, waxaanan ogahay in shacabka reer Hargeysa ku maamuli doonaan gobonimada iyo martigalintii lagu yaqaanay,” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, wasiirku waxa uu maamulada gobollada ugu baaqay inay adeegyada ay u baahan yihiin u dhamaystiraan kooxaha kala duwan ee magaca gobollada ku ciyaari doona.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed