|

Guddoomiye Saleebaan-Gaal Wuxuu Si Badheedh ah Noo Sheegay In Isaga Iyo Madaxweynuhu Isla Qaateen In UDUB halkaa ku Dhimato

Hargeysa Sept 27,2012(SDN/Hubaal)- Xog-hayaha Warfaafinta ee Xisbiga UDUB Cali Cismaan (Cali-Xaraaro) ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  (Saleebaan-Gaal) uu go’aan cunsuriyadaysan ka soo saaro dhex dhexaadintii uu sheegay inuu ka samaynayo  murankii guddida diiwaangelinta iyo Xisbiga UDUB.  Xog-hayaha Warfaafinta ee UDUB Mr. Cali Xaraaro, waxa uu sidaa ku sheegay Mar uu Xalay Wargeyska Hubaal, uga warramay Aragtida Xisbiga UDUB ka qabo  natiijada dhexdhexaadintii guddoomiyaha guurtidu ka dhex waday  Guddiyada diiwaangelinta iyo doorashada oo dhinac ah iyo Xisbiga UDUB dhinac ah, dhex dhexaadintaas oo ku soo gebogabawday in Xisbiga UDUB doorashada laga reebo. Haddaba Mr. Cali Xaraaro, waxa uu sheegay in go’aanka uu Md. Saleebaan Gaal ku laalay xisbinnimadii UDUB ay tahay mid loo soo laqimay oo aan isaga ka soo go’in balse iyadoo loo cuskaday Qoddob uu sheegay kamid yahay shirkii gar adag.

Mr. Cali Xaraare waxa  uu waraysigiisa ku soo qaaday in shir afar geesood ah ay habeen hore qasriga Madaxtooayda ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Wasiirkiisa Madaxtooyada, Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE iyo Gudoomiyaha Guurtida, kaasi oo ay ka war hayeen ka hor intaan loo soo bandhigin go’aankan. Ugu horeyn Mr. Cali Xaraare,waxa uu faahfaahin ka bixiyey sida uu ku bilaabmay dhexdhexaadintii Guddomiyuhu waday, waxanu yidhi “Guddoomiyaha Guurtidu Maalintii hore isagaa noo yeedhay oo noo soo diray warqad, Sidaasaanu ugu tagnay oo Ballan baanu lahayn keen, maalintaas hore waxanu u tagnay Shirgudoonkii golaha wakiilalda oo Cirro ka maqan yaah  iyo shirgudoonkii guurtida oo  isku dhan.

Markaa maanta (shalay) markaanu u tagnay Saleebaan-gaal  ee aanu u xog warranay  waxa uu noo sheegay in uu shalay (Dorraad)  Madaxweynaha la kulmay, halka maalintii ka horeysayna ay Komishanka Doorashada la kulmeen.Guddoomiye Saleebaan-Gaal markaanu intaa is nidhi waxa uu noo raaciyay in ay Madaxweynaha isla qaateen In UDUB  halkaa ku dhimato oo sidaa doorashada kaga hadho oo aanay ka qayb galin.

Hadda ninka sidaas na lihina waa guddoomiyihii golaha guurtida ee aanu maalintii u horeysayba xaggiisa u cararnay annaga oo ku tuhmayna cadaalad. Isagiina si cad buu noogu yidhi ‘Waxa aanu aniga iyo Madaxweynuhu ku tashanay oo aanu idinku war gelinaynaa in UDUB sidaa ku hadho, sabab cad oo uu noo sheegayna ma jirto.” Ayuu yidhi Xog hayaha warfaafintu, waxanu intaa ku daray “Markaa annaagoo  Qoladayadii UDUB  Xog badan hayna waxaan anigu Cali Xaraaro ahaan  weydiiyay Su’aal ah Maxaa reebistayada aad u cuskateen Ma Go’aannadii Shirkii Gar Adag mise Kuwa Distoorka Dalka, Isaguna (Gudoomiyaha guurtidu) waxa uu noogu jawaabay Kaad Doontaan ka dhigta, Marka uu sidaas leeyahay waxa ay taasi marag u tahay Xog aanu xalay (Habeen hore) ogaanay in Madaxweynaha, Maxamed Kaahin, Xirsi iyo Saleebaan Gaal ay Madaxtooyada wada joogeen, taasina ay muujinayso in marka ay afartaa nin ee reer Gar adag wada fadhiyeen  macnaheedu yahay  in go’aanka uu noola yimid Saleebaan halkaa laga soo saaray iyada naloo eegayo mid kamid ah go’aamadii shirkii Gar adag.

Maalmihii Murankayagu soo baxay ayaan anigu Qoladayada ku idhi waar Inoo Geeya Saleebaan, waa shakhsi aan u aqaan cadaalada inuu falo oo ilaa ururkii ASAD baanu isku ahayn, muddo dheerna waanu soo wada rafiiqnay ilaa waqtigii Cigaal, runtii rag badan baa iga diiday oo yidhi ha inoola tagin ninkaas, laakiin anigaa ku adkaystaye haddaan moodayo in ninkaan cadaaladda ku tuhmayay sidan noqonayo oo uu Madaxweynaha dib ugula noqon doono wallee umaan tageenba,  Waana nasiib darro aan marnaba maskaxdayda ku soo dhicin inuu dib ugula noqdo Madaxweynaha oo kow ka ah xubnaha hubka u qaatay burburinta UDUB.” Ayuu yidhi Cali Xaraaro.

Waxa kale oo Xog hayuhu sheegay in arrimahan oo dhami dabada ku hayaan siyaasad xukuumadda KULMIYE uga dejisan hoggaanka dalka “Calaa kulli xaal UDUB dhimataye Arrimaha dhabta ah ee meesha ka muuqdaa waxa ay yihiin, waxa dalka ka dhacaya bulshooy waad ogtihiin oo Habeen hore Hargeysa waxa laga furay xafiiskii Xalinta khilaafaadka Soomaaliya, taariikhduna waxay noo qirsan tahay in Muddadii ay talada haysay xukuumaddii UDUB in Somaliland ahayd dal aan wax shaki ahi ku jirin qaranimadiisa maalintii KULMIYE la wareegayna Isla markiiba Siyaasadii waa la badalay oo waa ta hadda lagu dhaqayo dalka.Waad maqlayseen in Madaxweynaha Somaliya markii la doortay ay 58 xubnood oo Somaliland ahi,  17 Awdal ah,  28 inta dhexe a iyo 13 xubnood oo bariga shishe ahi ay ka qayb galeen shirkaa ee ay u wada codeeyeen ninkaa Madaxweynaha laga dhigay, xubnahaas oo dhami waxa ay  ka tageen Hargeysa oo waxa ugu dambeeyay Agaasimihii guud ee Maalliyada oo aan cidna cambaarayn, balse markii la doortay Madaxweynaha  ay hambalyadiisa iskaga dambeeyeen Wasiirka Madaxtooyada, Madaxweynaha, Baadhasaabka Burco, iyo Guddoomiyaha Guurtidu, kuwaas oo si isku mid ah u bogaadiyay.” Ayuu yidhi Md. Cali Xaraaro.

Waxanu gebogabdii hadalkiisa ku soo xidhay “Ugu dambayn waxan leeyahay oo aan ugu baaqayaa Madax dhaqameedka, Salaadiinta, Aqoon yahanka, Mujaahidiintii dalkan xoraysay iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland ee dhiigooda iyo dheecaankoodu ku tallaalan yahay Somalilander-nimadu  inay indho fiiqan ku eegaan wacyiga dhabta ah ee jira oo ay dantooda iyo aayahooda ka tashadaan”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed