Soomaaligii sadexaad oo South Africa lagu dilay maalintii labaad
Cape Town Sept 27,2012(SDN)-Dalka South Africa oo noqday dal lagu xasuuqo Soomaalida u ganacsiga tagta halkaa ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay waxa lagu dilay ruuxii sadexaad.
Dilkan u danbeeyay oo toogasho ahaa ayaa ka dhacay Gugulethu oo dhacda duleedka Cape Town.
“Rag hubeysan ayaa ku khasbay marxuuka in uu furo ilbaabka,kadibna waxa ay gurteen lacag iyo badeeco kale,ka dibna waa ay toogteen”sidaa waxa sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.
Maalinimadii Isniintana laba ruux oo kale oo Soomaali ah ayaa lagu toogtay xaafada Philippi.
Labada ruux ee la toogtay ayaa xiligaa ku dhex jiray gaari,lamana oga sababta dilkaasi.
Ilaahaatan ma jirto cid ilaa haatan loo qabtay dilalkan u danbeeyay ee lala beegsaday Soomaalida ku nool dalka South Africa.
South Africa ayaa ah dalka Soomaalida ugu badan lagu laayo,iyada oo aaney muuqan wax dhab ah oo laga qabtay ilaa iyo haatan.
SDN-Cape Town
contact@somalidiasporanews.com