|

Mac-hadka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa oo Muddo Dheer Waday Daraasadan iyo Xukuumadda oo Ka Mabsuuday Natiiijadeeda

Hargeysa Sept 26,2012(SDN/Hubaal)- Cilmi baadhis mug leh oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi baadhistu maalintii shalay kusoo bandhigay xaruntiisa ku taala magaalada Hargeysa.

Madasha xafladdan lagu ibo-furayey oo ahayd mid si aad ah loosoo agaasimay, ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiiro, xildhibaano, madax kala duwan oo ka kala socotay Hay’ado caalamiya iyo kuwo waddaniya, madaxda iyo hawl wadeenada Machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi baadhista(OCVP) iyo marti sharaf kale.

Ugu horrayn Agaasimaha Machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi Baadhista, Cabdilaahi Maxamed Odowaa oo goobtaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u faah-faahiyey waxa ay cilmi baadhista ku sameeyeen mudaddii ay howsha wadeen iyo meelihii ay awoodda saareen, “cilmi baadhistayadani waxa ay socotay intii u dhaxaysay 2009-2010kii, meelaha aanu howsha ka wadnayna waa shan degmo, Muddo dheer ayaanu ugu kuur-galnay una daraasadaynay dhinacyo badan oo nolosha dadka ku tacaluqa, sida arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Nabad-gelyada, Caddaaladda iyo dhammaanba wax kasta oo muhiim u ah degenaanshaha shacabka” ayuu yidhi Agaasimuhu, waxa kale oo uu sheegay in meelaha ay daraasada ka sameeyeen waraysiyo la yeesheen  dad gaadhaya 800 oo qof oo kamid ah qaybaha bulshada “shanta degmo ee aanu daraasadaynay mid kastoo ka mid ah 800 oo qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah, ayaanu waraysiyo gaar ah kala yeelanay noloshooda iyo nolosha qoysaskooda, waxanu baadhnay guri kasta inta qof ee ku nool, inta shaqaysa, dakhliga soo gala, khayraadka ay degmo kastaa haysato hadday dabiici tahay iyo hadday dad samee tahay, sida iyo biyaha, laydhka iyo caafimaadka ku helaan, ma gacan dawladeed ayaa ka caawisa, ma mid qurbo joog, ma mid NGO, mise hay’ado caalami ah iyo caqabadaha horyaalla nabad gelyada iyo degenaanshaha.” Ayuu yidhi Agaasimaha Machdka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysi.

Natiijada u soo baxday ayaa sidoo kale Mr. Odowaa sheegay inay noqotay mid dhaxal gal ah oo Mustaqbalka laga faa’iidaysan karo iyadoo laga shidaal qaadanayo daraasadooda, “Natiijaddii kasoo baxday shanta degmo waxay noqotay wax faa’iidadeeda leh oo xal u noqon karta mustaqbalka meel kasta oo ay ka jiraan caqabado nololeed iyo kuwo nabad gelyo oo la mid ah kuwa ka jira shanta Degmo ee aanu daraasadaynay.”ayuu yidhi Agaasime Odowaa.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cilmi baadhistan oo uu sheegay in ay tahay mid loo baahan yahay “Waxa dunida cilmi la bartay waxa ka horreeyey daraasad iyo cilmi baadhis dheer oo horseeday in lagaga gudbo caqabad kasta oo dunida ka jirta, idinkuna waxa aad maanta goobta kusoo bandhigteen waa wax ka qayb qaadan kara horumar, mar haddii aad cilmi baadhistiina ku darteen mawduuca Caddaaladdana waa wax aanu aad ugu farax sanahay oo caddaaladda iyo nabaddu way isku xidhanyihiin.” Ayuu yidhi wasiirku.

Xil. Dheeg  iyo Xil. Obsiiye oo ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland oo iyaguna madashaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay daraasadan oo ay sheegeen inay tahay mid loo baahan yahay

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed