Khudbadii uu Axmed Nijaad ku Macasalaameeyay QM+Qaadacaadii Mareykanka iyo micnaha maanta ay u leheyd Israel
New York Sept 26,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmedi Nijaad ayaa maata khudbad dheer o macasaleymeys u badaneyd ka hor jeediyay Jimciyada Qurumaha Midoobey xarunta ay ku leedahay dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Iran ayaan dib QM uga khudbadeyn doonin bacdamaa uu xilka dhawaan ka tagayo.
Khudnadii Maanta uu Madaxweyne Axmed Nijaad QM ka jeediyay oo u badneyd mid u badneyd ka hadalka Nabada,mararka qaarna aad moodeysaba in ay u badneyd ka hadalka xal laga gaaro colaada u dhexeysa reer Galbeedka iyo Iran.
Mareykanka ayaa waxa qaadacay dawlado badan oo reer Galbeeda oo uu hogaaminayo dalka Mareykanka.
“Dawlada Iraan waxa lagu hayaa cadaadis iyo caga jugleyn joogto,si looga duwo dhabaha ay saaran tahay”ayuu Axmed Nijaad ku shegay khudbadiisii QM.
“Dawlado Nuclear faro badan heysta ayaa isku deyaya in ay naga horjoogsadaan horumar”ayaa hadalada madaxweynaha Iran ka mid ahaa.
Khudbada madaxweynaha Iran ka hor jeediyay QM ayaa waxa ay ku soo beegantay maalin ciid diimeed ka ah dalka Israel.
Khudbadii maanta ayaa aheyd mid ka dabacsan kuwii hore ee Axmedi Nijjad looga bartay.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com